Shaxda Qarsoon ee madaxda ONLF lagu ciyaarsiinayo.

20-ka bishii ina dhaaftay ee December waxaan kahadlay oo madashan aan soo dhigay Qaabka iyo shaxda cusub ee lugu ciyaar siin doono madaxda ONLF iyo xeelada xubnaha Ururka ee daafaha dunida kala Jooga lugu furfuri doono.

Madaxtooyada JIG JIGA, marnaba daacad kama ahaan doonto mustaqbalka geedi socodka ONLF, waxaana usabab ah damac mise qorshe soo jirray Isla markana dhinacyo kala duwan ku lug leeyihin kuna saabsan sidii ONLF looga soo saari lahaa deegaanka mise loo diyaarin lahaa barnaamijyo la mid ah sida OPD dagaalka uggu furrtay ururka OLF ee deegaanka Oromia..

Hadaba, maxaa diyaarsan oo bilahan soo socda la guda galli doonaa si sumcada ONLF hoos loogu dhigo Isla markana xubnaha ururka ee awooda badan loo mashquulin lahaa si mustaqbalka hakad loo galiyo.

– xubnaha ururka waxaa lugu kasban doonaa inney furrtaan haayaddo samafal iyo haayado Xuquuqul insaan oo hoos yimaada xafiis toos ugu xidhan madaxtooyada hase ahaatee magac kale loo bixiyay.

– Wafuuda ONLF ee gobolada usocdaali doona, waxa lugu sameyn doonaa “Shaki galin iyo tashuush” Waxana Howshaasi loo xilsaaray xubno ONLF soo ahaan jirray balse toos ugu xidhan madaxtooyada.

– Xubnaha ONLF iyo jaaliyadka Dalalka dibada waxaa lugu sameyn doonaa furfur loo kala saarayo nidaam ku dhisan kooxeysi iyo goboleysi ka dibna xaalad abuur saldhig utahay sidii awooda ururka iyo awooda xubnaha hoos loogu dhigi lahaa si mustaqbalka ONLF loogu kala jabiyo kooxo kala aragti iyo kala fikir ah.

– Waxaa shukaansi joogta ah iyo xidhidh lugu soo sameyn doonaa xubnaha ururka ee fir-fircoon ka dibna waxaa miiska saaran dhaqaale iyo mushaar.

Waxan ku faraxsanahay inney jiraan xubno kaadir ah iyo masuuuliyinta ciidanka iyo madaxda ONLF inney si hoose ulla socdeen shaxda xili hore la diyaariyay balse la sugayay shaqsiyaadka banaanka is keeni doona ee loo soo wakiishay meel marinta qorshaha.

Si, aad ufahanto qorshaha miiska saaran ee dhinacyo kala duwan ku lug leeyihin, waxaad ilgaar ah ku heysaa bishan iyo maal mahan isbadalka soo socda.

By. Mujahid sheikh Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...