Abiy Ahmed oo u istaagay xalinta Khilaafka Taliska sare ee ciidamada.

Waxaa markii u Horaysay banaanka usoo baxay Khilaaf u dhexeeyay Taliyaha Guud ee ciidanka milateriga Itobiya Gen. Seare iyo Kuxigeenkiisa Jula.

Labadani sargaal ayaa khilaafkoodu kadhashay sida aan Horay u baahinay dib usoo Rarida Kumanaan katirsan ciidamada mileteriga oo wata Gaadiidka dagaalka iyo noocyada kala duwan ee Hubka culus oo mudo dheer dhufays kaga Jiray xuduuda Eritrea.

Khilaafkan oo ay ku Guuldaraystay Haweenayda wasiirka Gaashaandhiga ka ah Itobiya saamayna kuyeeshay Geedi socodkii Hawlaha ciidamada, ayuu Ra’iisal wasare Abiy ku khasbanaaday inuu soo kala dhex Galo inta uusan Faraha kabixin.

Sida ay sheegayso xogta aanu helay kulan boodh isku Qarin ah oo Abiy uu isugu Yeedhay saraakiisha sare ee ciidamada, ayuu si Gaara Labada Janaraal arinkooda ugu Galay kuna soo Afjaray khilaafkii Labada Janaraal u dhexeeyay.

General Seare ayaa kabiya diiday dib usoo rarida ciidamada kujiray dhufaysyada Eritrea oo shacabka Tigreegu ay is Hortaageen, waxaana arimaha ciidankaasi u xil saaraa General Berhanu Jula oo ah kuxigeenka Seare.

Xogta laxidhiidha Kulanka dhex-maray Abiy Ahmed iyo Labada Janaraal ayaa sheegaysa in masuuliyada dib usoo rarida ciidanka ay si wada Jir ah uga Hawl Galaan, iyaga oo kaashanaya wasaarada Gaashaadhiga iyo xafiiska Taliyaha Guud ee ciidamada oo ah kan Abiy Ahmed.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...