Hogaaminta sare ee Isbahaysiga EPRDF oo kala Irdhoobay.

Khilaafka Isirka kusalaysan ee kadhex Aloosan Isbahaysiga Hogaamiya Itobiya ayaa Gaadhay Heerkii ugu sareeyay oo uu Laqab-soomi waayo shirkii Gudiga Fulinta ee EPRDF.

Afarta Urur ee ku bahoobay EPRDF ayaanu Jirin wax xidhiidh wada shaqayneed ah oo kadhexeeya mid walibana waxay arimaheeda u wadataa si iskeed ah, taasina waxay keentay in shirkii 3-bilood laha ahaa ee Gudiga Fulintu uu meesha kabaxo Gabi ahaan ba.

Shirkii ugu dambeeyay ee Gudiga Fulinta EPRDF ayaa Qab-soomay 20-ka bishii August ee sanadkii ina dhaafay waxaana sharciyan shirka xiga ay ahayd inuu Qab-soomo 20-ka bishii december ee isla sanadkii Hore,

Shirka Gudiga Fulinta EPRDF oo ah midka lagu Jaangooyo Qorshayaasha xukuumada 3-dii bilood ba mar ee haatan muda dhaafay, ayaa meesha uga baxay Hardanka Awoodeed ee 4-ta Urur iyo kala shakiga Gaadhay Heerkii ugu sareeyay.

Kooxaha ODP iyo ADP-da ee Oromada iyo Axmarada oo ahaa kuwa isugu dhow ayaa kala Irdhoobay kadib markii ay Hogaaminta xisbiga Axmaradu si muuqata u xaqireen Fagaarayaal dhawr ahna u baneeyeen Ra’iisal wasare Abiy Ahmed iyo madaxa mamulka Oromada.

Ururada SEPDM iyo TPLF ayaa iyagu banaan Joog kanoqday Talada iyo Hogaaminta Itobiya arinkooduna waxaa uu kusoo Koobmay inay Indhaha kadhawraan waxa socda iyo Loolanka kadhex Aloosan Labada dhinac ee Haatan ugu itaalka roon Hogaaminta siyaasadeed ee Itobiya oo haatan maraysa marxalad Qalafsan oo aan Lasaadaalin karin.

War xalay Goor dambe lagu baahiyay shabakada Fana ayaa se lagu sheegay in shirkii Gudiga Fulinta uu Qabsoomi doono Todobaadka soo socda bilawgiisa


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...