Xisbiga Jigjiga oo ceebi karaacday Olole ONLF ceebayn ah oo uu bilaabay.

Xisbiga Faasidka ah ee Haya Talada dawlada deegaanka Somaalida ayaa bilaabay Olole cusub kadhan ah xisbiga ONLF, waxayna dhamaan Gobolada Wadanka Ogadenia min Gobol ilaa iyo Heer Tuulo u kala direen Kooxo Lacaga badan xambaarsan.

Kooxahani oo u jeedka loo diray kaliya uu yahay inay isku dayaan sidii ay xisbiga ONLF dadka uga Horkeeni lahaayeen, ayaa Qaar-kood Gaadheen meelihii loo diray sida Gobolada Faafan, Jarar, Sitti, Jarar, Qoraxay iyo meelo kale.

Kooxahan ayaa durba bilaabay shirar khasab ah oo dadka ay isugu keenayaan iyaga oo is Garab wada Lacago aan badnayn oo ay dadka Qaar u Taagayaan iyo caga Juglayn, waxayna inta badan deegaamadii ay tageen ay kala kulmeen Waj-gabax kadib markii shirka looga dareeray.

Kooxahan oo ku dhuumanaya waxay ugu Yeedheen Tababarka Hogaaminta Hoose ee xisbiga ayaa wax sheegoodu noqday dhaleecaynta iyo wax kasheega ONLF, waxaana meelaha shirka loga dareeray kamida degmada Kudun-buur oo saaka shacabku dhagax Tuur kala daalay, kadib markii warkoodu wax kasheega ONLF kadhamaan waayay.

Meelaha kale oo kooxihii loo diray lagu Foodh-yay ayaa waxaa kamida magalada Shiniile ee xarunta Gobolka Sitti Halkaasi oo Team-kii loo diray Tababarkoodu noqday cayda iyo wax kasheega ONLF, taasi oo keentay in shacabku Hal mar ah Foodhi iyo Qaylo isku daraan kadibna isga kala dareeraan.

Kooxdani Faasidka ah ee Horay Woyanuhu uga samaystay wadanka Ogadenia haatana Oromadu Lawareegtay ayaa iskudayaysa inay shacabka iyo ONLF si uun isaga Horkeento, maadaama ay %100 kuqanacsan yihiin inaysan wax Taageera ah Haba-yaraatee shacabka kahelaynin waxa kaliya ee looga bartay hadana laga sugayaa ay tahay daba-dhalifnimo iyo bahdilka shacabka Somaaliyeed ee ay magaciisa ku Qaraabtaan. Isha Ku Hay Ogaden24.net


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...