Ciidamada Cirka Itobiya oo Duqayn culus u Gaystay saldhigyada Jabhada OLF.

Warar lagu baahiyay warbaahinta maxaliga ah ee Itobiya ayaa sheegaya in ciidamada Cirka Itobiya ay Duqaymo culus kagaysteen deegaamo kamida Galbeedka mamulka Oromada.

Goobaha ciidamada cirka oo adeegsanaya diyaaradaha Bambooyinka culus xambaara ay duqeeyeen ayaa waxaa kamida Gobolka Wollega oo Todobaadyadii Lasoo dhaafay dagaal Khadhaadhi kudhex marayeen ciidanka Jabhada OLF iyo kuwa milateriga Itobiya.

Sida lagu baahiyay Shabakada wararka Addisstandard ciidamada Cirku waxay duqaymo xoogan kafuliyeen Labadii Galin ee maalinimadii shalay, saldhigyo ciidan oo Jabhadu kuleedahay degmada Qellem iyo deegaamada ku xeeran waxaana kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu Jira oo aan ilaa iyo Hada Lahubin.

Ciidamada Jabhada Hubaysan ee OLF oo ku xoogan Gobolka Wollega iyo Gobolada Galbeed ee Oromada ayaa laxaqiijiyay inay iska caabiyeen weerarka ciidamada cirku Labeegsadeen saldhigyadooda, waxayna ciidanka Jabhadu Taageero buuxda kahelayaan shacabka deegaanka taasi oo keentay in dagaalku marba marka kadambaysa sii xoogaysto.

Degmada Qellem ee ciidamadu Duqaynta kagaysteen ayay maleeshiyo katirsan Jabhada OLF maalin kahor kudhaceen Laba Bangi oo kuyaalay, sidoo kale waxay ciidamada Jabhadu dhaceen oo wixii Hub Yaalay Gurteen saldhig ciidanka Liyuu Haylka Oromadu kulahaayeen degmadaasi.

Weeraradani ciidamada cirka Itobiya kuqaadeen Jabhada OLF ayaysan wax war ah kasoo saarin Labada dhinac ee dirirtu u dhaxaysa waa Jabhada OLF iyo xukuumada Ra’iisal wasare Abiy Ahmed oo u muuqata inay u Tabar iyo Taag la’dahay ciidanka Jabhada OLF dabayaaqada sanadkii tagay ay Heshiis ku kala saxiixdeen magalada Asmara.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...