Waa Kuma Hogaamiyaha Maafiyada madaxtoyada Jigjiga ku Habsatay?.

Dagaal badan baa xukuumadan curdanka ah ku socda, mana rabo inaan qayb ka noqdo. Hadana inaan muujiyo khaladaadka hoos ugu sheeg lagu qaadan waayey ayaan damacsanahay.

C/qadir Maxamed oo kumagac dheer “Bisle” waa xogahaya madaxweynaha deegaanka mudane┬áMustafa Omer, waxuu horey usoo noqdey xoghayaha Cabdi iley xiligii uu hogaanka ahaa, waxaana lagu xantaa inuu galaaftey nafya dad badan oo uu jaajusay inuu xoghayaha u ahaa Cabdi iley.

Waxuu afar Sano u xidhnaa dowlada federalka kadib markuu isku dayey inuu si musuqmaasuq ah ku dhaco. C/qadir qeyb ayuu ka qaatey israacintii rajiimkii Cabdi iley, waana uga mahad celinayaa qeybtuu ka qaatey balse indhaha kama qarsan karro musuqa uu kujiro.

C/qaadir waxuu samaystey koox isku xidhan (group G8 lagu magacaabo), siduu ahaan jirey dhaqankii siyaasadeed een kadhaxalay TPLF. Kooxdan oo ubadan ragii rajiimkii hore usoo shaqeeyey balse ay baryihii dambe isku dhaceen kana kooban wasiiro iyo lataliyayaal ayaa gabi ahaanba la wareegay taladii.

C/qadir ma fuliyo amarka madaxweynaha balse waxuu asagu amaba kooxdiisuu rabto ayuu fuliyaa Hebel qandaraaskaas sii, hebel meeshaas umagacaw, Labadaa million hebel udhiib ayuu Amar kubixiyaa.

Wasiirkii amarkiisa diida waxuu ku adkeeyaa lakulanka madaxweynaha, waxaa sidoo kale lagu furaa dacaayad ay kooxdiisuu soo abaabushay.

Waxuu markasta abuuraa khilaaf aan jirin oo udhaxeeya madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga. MA fuliyo balanqaadyada madaxweynuhu qaado, taasoo madaxweymihii beenaale u ekeysiisay.

Kooxdan uu C/qaadir hogaamiyo ayaa maamusha wasaaradaha musuqa ugu badan laga soo sheegayo, waxayna wasiiradanu xasanad kahaystaan Bisle iyo kooxdiisa.

Xubnaha ugu culus ee kooxda Bisle waa: Wasiirka maaliyada Mubashir oo ah meesha musuqa ugu badan ee lasheegayo uu hadda kasocdo.

Wasiirka qurbajoogta Xabiib oo uqaabilsan fidinta dacaayadaha oo marfashyada ka faafiya isuna arka madaxweyne sodon maalmood kadib. Lataliye Xamow oo kaartada dajiya abaabulka reerahana uxilsaaran. Rag kaloo badan ayaa xoog lagu haystaa balse kuwan ayaa ugu xoog badan.

Kooxdan ayaa damacooduu yahay sidey xukunka ula wareegi lahayd xoolo badana uga tabcan lahaayeen intay meesha joogaan.

Cadeymaha iyo musuqa ay sameeyeen intey xukuumada kujireen qormooyinka dambe ayaan kusoo qaadan doonaa insha Allah.

Bye: Abdirashid Ali Shu’aa


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...