Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.

Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan Qaadka Kolba Dabaysha siyaasadeed ee socota, ayaa dib Joog Noqday kadib markii laga Eryay madaxtoyada dawlada deegaanka Somaalida.

Ibrahim dheere ayaa maalmihii ugu dambeeyay xiligii mamulka Cabdi iley waxaa uu kamid Noqday mucaaradkii Cabdi iley isaga oo u Jeediyay dhaliilo xoog leh, waxaanu Erigii Cabdi iley kadib kasoo muuqday xarunta madaxtoyada Jigjiga isaga oo ku magacaaban Lataliyaha madaxwaynaha ee Arimaha bulshada.

Xarunta madaxtoyada Jigjiga oo Hoy u noqotay Hadhaaga Kooxdii Itixaad ee Shekhu Gudomiyaha u ahaa ayaa sida xogta aanu kuhelayno uu majaraha u Qabtay, waxayna Khal Khal Galiyeen Hogaaminta madaxwayne Mustaf oo kala Kulmay caqabado Joogta ah iyo xadhig maran siyaasadeed taasi oo khasabtay in sheekhu xilkiisa waayo, maadaama uu noqday Amiirka Itixaadka madaxtoyada ku Habsaday.

Ibrahim dheere oo ah Ruug cadaa siyaasi ah oo wax badan soo Jabay ayay xarunta madaxtoyada u Fadhiyaan xubno culus oo kamid ah Kooxdiisa, uuna ugu Horeeyo wasiir Xasan Daadhiga madaxtoyada oo kamida shakhsiyaadka Lugaha kudhagan xukuumada uu katirsan yahay ee madaxwayne Mustafe.

Sh. Ibrahim dheere oo tan iyo sanadii 2010-kii dadaal ugu Jiray sidii uu uga dhex muuqan lahaa saaxada siyaasada mamulka Jigjiga, kadib markii isaga iyo koox Lasocota oo wata magaca Kooxdii Itixaad ay Itobiya usii dhiibeen ayaa waxaa dagaal kuqaaday Cabdi iley oo Kursigiisa uga shakiyay, waxaanu wixii xiligaa kadambeeyay ahaa dibad Joog Hawlihiisa kawata magalada Addis ababa.

Si kastaba Ha ahaatee sheekha oo ah shakhsi aan ka waabanin Hirgalinta Hamigiisa siyaasada ayaa mar kale banaanka kusoo dhacay oo noqday dibad Joog, waxaa se Hubaala inuu wali Haysto Fursado badan oo u samaaxaya inuu ugu Yaraan Gilgilo madaxwayne Mustaf iyo xukuumadiisa maadaama uu saaxiibo badan kuleeyahay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...