Magalada Diridhaba cidna uma maqna Ceelna uma Qodna+ sawiro Argagax le.

Diridhaba oo ah magalada ugu wayn ee ku Hoos Jirta mamulka Itobiya waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocda weeraro ay si wada jir ah ciidamada kala duwan ee dawlada iyo dadka kale ee Itobiyanka ahi kuhayaan shacabka Somaaliyeed.

Kooxo dhalinyara Abaabulan ah oo ku Hubaysan Qalab kala duwan ayaa xaafadaha Somaalida kuhaya weeraro aan kala sooc lahayn, waxayna Galayaan Guryaha Dukaamada iyo Goob kaste oo ay Somaalidu leedahay, waxay Gubeen Guryo badan sidoo kalana waxay boobayaan wax kaste oo dhex Yaala Guryaha iyo Dukaamada Somaalida.

Arinta Yaabka leh ayaa ah in marka dadka Somaalida ahi iska difaacaan dhalinyaradaasi Hororka ah in ciidamada Police Federalka, milateriga Arbaa batanaaga iyo Hay’adaha kale ee Amnigu ay Somaalida si Toosa u weerarayaan, waxayna u Gaysanayaan dil xadhig iyo Gabood Falo kale oo Bani’aadminimada kadhan ah.

Waxaa xabsiyada magalada Diridhaba kabuuxa dhalinyaro Somaaliyeed oo xiliyo kala duwan ciidamada amaanku xidheen, kuwaasi oo kaliya loo Haysto inay iska difaaceen kooxaha abaabulan ee dhibaatada Joogtada ah kuhaya shacabka Somaaliyeed.

Maalinimadii shalay ahayd ayaa waxaa kadhacay magalada dhac iyo boobkii ugu xumaa ee ay Gaystaan Kooxaha abaabulan ee Axmarada iyo Oromada, waxaana Gacan buuxda kusiinayay Falalkaasi waxashnimada ah ciidamada Amaanka oo ay ugu Horeeyaan Federal Police-ka oo la’aaminsan yahay inay Qaybta ugu wayn kayihiin mashaqada ka aloosan magalada Diridhaba, Hadaba si aad u daawato sawirada Riix Halkan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...