Madaxda Somaali State shaqa Adag baa u Taala” Faanoole Fari kama Qodna.

Waxaa muuqata in Dhulka Somali State Ogadenia markii laga soo tago Gumaysiga Ethiopia iyo Abdi Ilay oo xabsi ku jira uu gacanta ugu jiray Koox Mafia Qorshaaysana oo iskugu jirta Ajanabi, Somali Qorax Joog ah iyo Qurbo Jooga.

Hadaba markii uu fashilmay qorshihii afganbiga iyo Isku soo uruurintii danbiilayaashii maamulkii hore Ragii Federal ka ufadhiyay boobka hantida shacabka Soomaaliyeed iyo Heego ayaa waxaa biloowday qorshe cusub,

Waxaa lacag lagu faraqay wajiyo cusub oo ubadan qurbo joog iyo xoolo cirdoon Group, shaqada koobaad waa in

1. La aflagaadeeyo Maamulka Somali State.

2. La aflagaadeeyo His excellence President Mustafe M. Omar.

3. Shaki laga dhex abuuro ONLF iyo Maamulka Somali State.

4. Amniga jigjiga iyo deegaanka laga been sheego.

5. Waa in reer hebel iyo reer hebel maanta oo dhan lagu soo celceliyo si kalsoonida reeraha shaki loo kala galiyo.

6. Beenta kusoo celceli ilaa aay run u ekaanayso.

Waxaa cadayn idiinku filan sawirada hoos idiinka muuqda waxaa maanta xadka lagu qabtay lacag cadadkeedu dhanyahay $68 million iyo dahab Dalka si sharcidaro ah looga saarayay,
Waxaa intaa dheer in qurbo joogtii jigjiga ku hungoowday jeebabkii marnaa loo buuxiyay howshooduna tahay fulunta film ka Mafia da fashilantay ee nacaskii Abdi Ilay ku shaqaysanjirtay
ragan oo badankood ahaan jiray jaajuusiintii TPLF ayaa November 2017 ka horyimid Abdi Ilay ayaga oo markaa rajo wayn ka qabay in aay ayaga noqon doonaan finixaarka cusub lakin tiirabi ayay noqotay Ilaahay na shacabkii Soomaaliyeed wuu ka badbaadiyay dhagartoodii.

Hadaba maxaa inoo qorshe ah.

A. Maamulka Somali State waa in aay mafia da diiga shacabka Soomaaliyeed ku naaxay Dalka ka sifeeyaan

B. Waa in laamaha amniga isha ku hayaan shaqsiyaadka qas wadayaasha ah ee lidka ku ah amniga iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

C. Waa in shacabka Soomaaliyeed siday maanta u fashileen lacagtii mafiada aay Dalka ka saaraysay aay u fashiliyaan maalinkasta dowladnimada iyo nabadana ku fara adaaygaan, wixii ka dhimana wadajir lagu raadiyo.

D. Aniga iyo inta ila midka ah ee Activism ka waday mudadii dheeraayd ee uu xasuuqa Dalka ka socday waa in aan shacabka Soomaaliyeed ka difaacnaa dadka raba in aay rajada iyo nalkaa baxaaya damiyaan .

Waxaa xaqiiq ah in shacabka Soomaaliyeed inta aay isku mashquulsan yihiin lagu soo maqan yahay si looga badbaado dibkasta waa in aan Midnimo iyo wadajir ooga hor tagnaa dhib kasta ama isku day kasta oo shacabka Soomaaliyeed dib ugu celinaya Jail Ogaden Iyo foolxumadii laga raystay.

Bye: Mohamed Dayib


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...