Jigjiga waxa ay caawa u dabaaldegaysaa imaatinka Ciidanka Xoraynta Ogaadeeniya ONLF

Waxaa jigjiga caawa ka socda munaasibad balaadhan oo loogu dabaaldegayo imaatinka ciidanka Wadaniga Xopraynta ogaadeeniyaMadaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa khudbad u jeediyay Ciidamada ONLf taasi oo Dardaaran iyo dhiiri galin isugu jirtay.

Geesta kalana waxaa hadal halkaasi ka soojeediyay GFudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, oo ka warbixiyay Halgankii iyo gobanimo doontii ay soo mareen ciidankaani mudada dheer ,waxaana uu sheegay Gudoomiyahu  in hadii uu hirgaliwaayo heshiiskii ay JWXO Iyo Itoobiya uu halgankii shacabku siisocondoono qorigana laqaadi doono.

Waxaa hada socota qaybihii Dhexe ee Xafladii lagu soodhawaynayay ciidanka JWXO Iyo guud ahaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waxaa khudbad qiimo badan soojeediyay Madaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Muxumed Cumar, wuxuuna madaxwaynuhu siwayn usoo dhaweeyay go’aanka Geesinimada leh ee Jabhada ONLF ay qaadatay kaas oo ah in sinabad shacabka Soomaalida Ogadenia xornimadooda lagu gaadhsiiyo.

Sidoo kale waxaa khudbad taariikhi ah Madasha kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxayna dadwaynuhu Gudoomiyaha kusoo dhaweeyeen sacab Iyo sawaxan.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegay in hadii uu hirgaliwaayo heshiiskii ay JWXO Iyo Itoobiya uu halgankii shacabku siisocondoono qorigana laqaadi doono.

Waxaa wali Soo socda khudbado ay jeedin doonaan madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

 

       


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...