ONLF, WAXAY SOO XIDHAY SUUQA GANACSIGA IYO BAHDILKA EE XILIGA DHEER KU SOCDAY.

Farxad ka weyn ma jirto markaad arragto naftii hore xaliye iyo naftii hore dhabuke oo mar kale laga soo dhiibi doonin degmooyinka dalka somaliya. Waa farxad weyn markaad arragto Dr maadeey, oo shirar kula jirra safaaradaha dalalka reergalbeedka ee xarunta ku leh adis Ababa. Waa farxad weyn abwaan jaango inuu maanta soo saarayo suugaanta wadaniga ah isagoo dalkiisa hooyo joogo, waa farxad weyn mar hadii saxaafada kala duwan ee afka ONLF gudaha ka soo waranto isla markaana hogaanka warfafinta uu seminar ku bixinayo gudaha ogadenia, waa farxad weyn OYSU, ururka dhalinyarada mar haduu maanta bixinayo duruus ku saabsan wadaniyada iyo midnimada shacabka, waa farxad weyn mar hadii abwaaad Rooda afjano dalkii hooyo socdaal ku soo martay isla markaana gabayo guubaabo ah shacabka dulman la wadaagtay ee xiliga dheer sugayay aragtida Rooda Ibrahim.

Waa farxad weyn mar haduu maanta goob joog ka yahay mideynta Ciidanka difaaca deegaanka Admiral mohamed omar osman, gudoomiyaha ONLF.

ONLF, waxay 27 sano garab ka weyday dhamaan laamaha bulshada gaar ahaan kuwa sheegta “Aqoon yahan, culumada, ganacsato ” balse halganka waxaa heerkan soo gaadh-siiyay dhalinyarada iyo hooyooyinka, waxayna sumad ku leeyihin taarikhda halganka somalida ogadenia. Waxaa soo xidhmay mashruuc aan ku soo koobi karrin feegaarkan hase ahaatee waxaynu qoraalo kala duwan ka sameyn doonaa marxaladii halganka uu soo marray iyo waayo arragnimo ku Fillan inney maanta leeyihin shacabka somalida ogadenia ee dulman.

Wallee, baa mar kale ONLF lugu riixin dagaal lugu sheegay halgan iyo xoriyad balse diyaar iyo daacad loo aheyn.

By Mujahid sheikh Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...