Qiimayn: maxaa iska badalay xaalada deegaanka 6-dii bilood ee Cagjar.

Markaan si mug iyo miisaan leh ugu Kuur Galay xaalada deegaankeenu ku sugan yahay ee dhinacyada Amniga, siyaasada, Hormarka iyo arimaha bulshada, waxaa iisoo baxday sidatan.

-Abniga deegaanka gaar ahaan caasimada waxa iska maamusha ciidamada milatariga, hayadihii amniga iyo maamulkii deegaankana waxaabad modaa hawl gab ama kuwa aan ku dhiiran Karin inay dhahan hanalooga danbeeyo sugida amniga caasimada sida uu qeexayo dasduurka dalka iyo ka deegaankuba.

– Dadka martida ku ah magalada waxay horay u diideen ciidankii liyuuga inuu amniga sugo eegana waxay diideen ciidankii,Arbaabatanaga iyado waliba Askar lagu,laayay Caasimada

-Madaxweyne mustafe siyaasada uu deegaanka ku hagayo waa mid cadiifadaysan, qabyaaladaysan, hoostana wax uga qarsoonyahay, dhinaca kalana Afmacaan iyo Somalinimo, waxayna ku soo shaac baxday shan bilood Wax,kayar,

-Waxaa gabi ahaanba Taagan mashaariicihii deegaanka wax kala socdaana majiro xafiisyadii deegaanka, miisaniyadii deegaanku way dhacaysaa sida muuqata hadaan degdeg wax looga qabanin. Waxaad mooda in xukuumadu Awoodi wayday hirgalinta mashaaricaha lkn badalkeeda ay ku hawlanyihiin siday baraha bulshada isaga celin lahaayeen mucaaradka iyo Saxaafada Xorta ah,

Waxaa jira deegaanka khilaaf badan oo kadhashay maamuladii degmooyinka walina aan xal laga gaadhin wayna ka gaabiyeen madaxweyne mustafe iyo xukuumadiisu inay dhagaystaan Cabashada Shacabka.

Isku soo Xooriyoo marka dhinac kasta laga Eego madaxweyne Mustaf wuu ku fashilmay hogaaminta deegaanka mana siiwadi karo.

Anigoo ah Dayax Daahir kana mid ahaa halgamayaashii ka dhiidhiyey tacadigii dawladii hore in badana soo wada halganay madaxweyne mustafe aadna u taageersanaa Talooyin badana aan siiyey balse uusan waxba ka soo naasa Cadayn,

waxaan go’aansaday inaan fikirkayga badalo una iftiimiyo bulshada wixii khatar ku Ah, Dhanka Saxafada Iyo Xaqiiqooyinka Xorta ah ee ubaahan inaan ogaano.

Bye: Dayax Dahir


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...