Gabaygii Nayaayir ee Abwaan Cabdishakur Af-magaaxshe.

Murti waliba waxay Leedahay Madal iyo Meel ay ku Haboon tahay in lagu soo Gudbiyo e waxaan Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Gabayga lamagac baxay Nayaayir oo mahadi Haka Gaadhee uu xiligii adkaa Abaan Cabdishakur Af-magaaxshe ku muujinayay dareenkiisa iyo Rajada uu kaqabay in mar uun Wiilashii Walaalaha ahaa ee cadawgu isku diray ay Gacmaha is Qabsadaan dibna u midoobaan, waana kan Hoose Gabaygii Nayaayir.

1-Inta Uu Raggaygaa Is Nacay Nabar is Gaadhsiiyo,
2-Labo Naas Wadaagayi Intuu Nacasku Qayb-qaybin,
3-inta Naxashka Geesigu u yaal Nadi walaal tuuray!

4-Inta Aan Nuxuus iyo dugsado Dhib iyo Naahuuro,
5-rajo iyo Nayaayiro Intaan Noogis kala joogno,
6-Dadkayguna Nidaamkii Dib riday uu U Nacamleeyo,.

7-Nabsigaan Ka sugo Hiil Intuu sii Naq-furo Goorba,
8-Nin i gatay Sidii Neef intuu Ii Nasabad sheegan,
9-Inta Guusha kii Iga Naqdiyay Maanta Ila Naadin,.

10-Inta Naqshad La ii dago Hadana Laygu Nabo Ceebta
11-Ama Nudayga Boogaha Ku yaal La igu Naanayso,
12-Anigiyo Naftayduba wax aan Naawillaa jira’e.

13-Nuunaaska weedhaha Nacdalan Ee Nahyiyo Maanku,
14- Nusuus Iguma waajibin Illeen Niidmo iyo Ciil’e,
15-Nacfi iyo Dharaar soo ma Filo Waayo Naxariis leh?

16-soo Mar uun Nitaaqiyo Dhib iyo Naafo hadhi mayso?
17-Soo mar uun Niyadda Dhaawacani Naallo heli mayso?
18-Soo Mar uun Nasriga Eebahay Kuma Nagaan Doonno?

19-Soo Mar uun Nugaylkaan Qabiyo Nudub i Dayn mayso?
20-Soo Mar uun Nashuushkiyo Mugdiga Nuur badali Maayo?
21-Soo Mar uun Naruurada Adduun Nama Nimcayn Doonto?

22-Soo Mar uun Naxwaha aan tirshiyo Nuxurka weedhaydu,
23-Rag Nasiib u yeeshoo fahmiyo Naasax dhalan maayo?
24- Nacab iyo Nin ii Daran Mar Soo Naar ku shidi maayo?

25-Soo mar uun Hankii Naaqusoow Dib uma Naaxaaysid?
26-Soo Mar uun Dadkaygoo Nastoo Nool ma heli Doono?
27-Nujub iyo mar uun Xaasidkay Soo Ma Nixi Doono?

28-Nuuxsiga itaal waa wuxuu Nabar i gaadhaaba,
29-waxay Geesiyaal iga Naf baxay Nolosha waayaanba,
30-sida Naylo baadi ah waxay Shilin i Nuugtaaba?

31-Sokeeye Aan Nasteex Biday intuu Nibiri Ii Loogo!
32-Sida Nanac Dhalan cuni Waxay Niman I dhuuqaanba,
33-Nacas iga Macaashaa wuxuu iga Naqaystaaba!
34-Naxligiyo Colaadaha Tolkay Nabad Intuu siisto,
35-Nasiiboow Sidaan Rabo Mar Uun Soo Ma Noqon doontid?


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...