Madaxwayne Mustaf oo Fadeexad kala kulmay isku badalka 2-da Gabadhod ee xilibanada ah.

Marka laga yimaado Qayla-dhaanta cadaymaha wadata ee ka imaanaysa Ehelada dhibane Ayaan Shakuul oo si sharcidara ah looga xayuubiyay xasaanadeedii xilibaanimo, ayay Wakaalada Afka dawlada kuhadasha ee Fana waxay xaqiijisay mida ay tahay xilibanada kujirta Liiskii xeer ilaalinta Itobiya soo Gudbisay.

Wakaalada oo daba socota Liiskii kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta Itobiya oo ay kuwada Qornaayeen 46-da xubnood ee Eedaysanayaasha ah, ayna kujiraan Cabdi iley iyo xubnaha laxidhan ayaa cadaysay in xilibaanada Liiska kujirta ay tahay Ayaan Cabdi Xasan (Gulaandhe)Warbixinta oo Afka Axmarada ku Qoran Waatan Hoose.

Dhinaca kale Maxamed Colaad oo kamida Activistayaasha ayaa isna waxaa uu bartiisa Facebook ku baahiyay Qormo kooban oo uu kaga Hadlayo Labada Gabdhood ee xilibaanada ah mida Eedaysanaha ah iyo waxyaabaha ay ku Eedaysan tahay, waxaana maxamed isla saacad kadib loo magacaabay Lataliyaha madaxwaynaha ee dhinaca saxaafada taasi oo keentay in Maxamed uu Qormadii kadabo keeno Qormo kale oo uu ku Eedaynayo dhibane Ayaan Shakuul.

Qoraalka uu Activist Maxamed Colaad kuhelay xilka Lataliyenimada isna Hoos ka akhriso.

Adoo ah xubin Heego ah oo la wada yaqaan oo waliba ka tirsanaa golihii dhexe ee Heego, hadii aad Heego noqon waydo ma aqaan waxa kale ee Heego lagu noqon lahaa. Hadii ay Heego jirtay, Ayaan Shakuul waxa ay ahayd tii ‘gaamurtay’.

Hadii aad ahayd dadkii muuqaalada kicinta ahaa soo duubayay maalintii magaalada Jigjiga la gubayay, hadii aad dambiile noqon waydo garan maayo waxa kake ee dambiile lagu noqon.

Heego waa Heego reer na ma aha, rag iyo dumar na ma kala laha, Ayaan Heego-na waan wada garanaynaa waxa ay ahayde, ka bulsho ahaan aan dalbano in sharciga loo soo dhaweeyo dhamaan dambiilayaashii kale ee dhiiga shacabka sida gofanaha u nuugayay ee hantidoodiina boobay.

ee aan dalbano ka shacab ahaan in dambiilayaasha kahel.

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...