Madaxwayne Mustaf oo Tigreega ku Eedeeyay inay Itobiya ka Go’ayaan.

Madaxwaynaha dawlada deegaanka Somaalida Ogadenia Mustafe Muxumed Cagjar ayaa shir Jaraa’id oo Afka Itobiya kubaxay, waxaa uu si Qaawan ugu weeraray Kooxdii laga adkaaday ee TPLF oo uu ku Eedeeyay inay isu diyaarinayaan inay Itobiya inteeda kale ka Go’aan.

Madaxwayne Mustaf ayaa kudooday in Kooxdaasi meel iska dhigeen kudhaqanka dastuurka dalka Itobiya waa sida uu Hadalka u dhigaye, taasi oo cadayn u ah inay diyaariyeen Qorshanayaana inay isaga Go’aan Itobiya inteeda kale waxaanu yidhi isaga oo arimahaas kahadlaya.

Maaha anaga kuwa ka Go’ay dalka intiisa kale, ma’aha aaga kuwa dambiilayaasha dawlada dhexe raadinayso diiday inay sharciga usoo dhiibeen si cadaalada loo Horgeeyo, ma’aha anaka kuwa Qaadacay sharciyada Barlamaanka iyo aqalka federationku ansixiyeen, ma’aha anaka kuwa Maalin iyo Habeen isu diyaariyaanaya inay Itobiya inteeda kale ka Go’aan, malahayga se waxay Qorshanayaan markay go,aan inaan wehel u noqono oo aysan kaligood Gu’in.

Weerarkan oo noqonaya weerar siyaasadeedkii ugu cuslaa ee Kooxda TPLF kala kulanto madaxwayne Jigjiga Fadhiya ayaan la Ogayn Jawaabta ay kabixin doonaan, maadaama ay katirsan-yihiin wali Kooxda EPRDF ee Talada dalka Itobiya bah-wadaagta ku ah.

Madaxwayne Cagjar ayaa shirkiisa Jaraa’id siwayn isaga dhisay Hogaanka Kooxda ODP-da Oromada oo in dhowaale uu kala kulmayay culays, kuwaasi oo kusoo Abaabulay Koox uu Horboodayo Axmed Shide oo Qorshuhu ahaa inay Kar-kaarka waydaariyaan balse uu iska difaacay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...