Su’aasha 1aad waxay ahayd; .. magaca dhulka aad u taqaanaan iyo ka jabhadaba waxaan beesha ahayn kuma qanacsana ..!

Waa dhab arintaasi, jawaabteedana waxay ka bilaaban in aan marka hore isla meel dhigno waxaan isku raacsanahay .. ka dibna waxaan uga gudbi donsa midaan lagu wada qanacsanayn. Arimaha aanan isku raacsanahay (sidaan u arko) waxaa ka mid ah;
1- magaca Ogadenia waxaa dalkan u bixiyay ree Yurub-kii Afrikoo idil u magaca bixiyay.
2- magaca Ogadenia qabiilka u nasab sheegta dhib waxaan ahayn kama dheefin magacan.
3- dagaalkii 1977 ee dalka lagu xoreynayay jabhada ka dagaalamaysay waxay ahayd WSLF (Somali Galbeed).. Caalamka wuxuu u yaqaanaa dagaalkaa Ogaden war.
4- heshiisyadiil Ingriiska uu dalkeena ku bixiyay, heshiisyadii ingriiska iyo talyaaniga iwm intaba waxay ku qornaayeen dalka/gobolka Ogaden.
5- Sidoo kale dhamaan khariidadaha duuga ah iyo kuwa cusuba ee caalamiga ah waxay qoraan Ogaden.
6- xisbiyadii Somaliya oon midkoodna wadanin magaca qabiil hadana midwalba qabiil ayaa loo yaqiinay. SNM, USC, SSDF, SPM, midwalba qabiil gooni ah ayaa watay oo lagu yaqiinay, iyagoo wada wata Somali. Arintaana macna gaar ah ayay inoo leedahay.

Qodobadaa iyo kuwa lagu dari karo ma’isku waafaqsanahay ama doodbaa ka taagan.

Xuseen Nuur.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...