EX. Qudhun wada ESTV (SRTV) Haloo sheego inaan baahi loo Qabin.

In kaste oo magacii laga badalay Qudhun wada ESTV (SRTV) Hadana waxaa Hubaala inuusan daahirin wali oo waxa kadhex Hadlaya waa kuwii xasuuqa shacabka u Yaqaanay Horumarka Cadaalada iyo Maamulka Suuban.

Marka aad Fiiriso Qaab Tabinta wararka iyo Barnaamijyada waxaa kuu soo baxaysa inay Yihiin ma Gudbayaal Naxliga iyo Xumaantii Horay loogu shubay wali xambaarsan, umana muuqdaan kuwo Lajaanqaadaya is badalka kadhacay deegaanka ay Tv-giisa kadhex hadlayaan.

Inay soo Tabiyaan Barnaamij dadka isu soo Jiidaya xoogana saaraan wacyigalinta bulshada iyo ku baraarujinta waxyaabaha Faa’iidada u leh, arimaha siyaasadana dhinaca wanaagsan iska Taagaan waxay kajecelyihiin inay dhinaca xun ka Eegaan, waxayna inta badan warbixinada kusaleeyaan iyaga Aragtidooda ama rabitaankooda oo ma aha xirfadlayaal saxaafadeed oo xadidi kara Nacooda iyo Jacaylkooda.

Tusaalaha ugu dhow ee aan soo Qaadan karo ayaa ah sida iyo Qaabka ay u duubeen xafladii midaynta ciidamada ONLF iyo kuwa deegaanka iyo Qaabkii uu u Tabinayay shakhsigii watay Makarafoonka ESTV-SRTV, waxay sida ugu Qaab daran u duubeen muuqaalka ciidanka Jabhada waxay cameradoodu waxay Qabanaysay Naftooda Hurayaasha aan dirayska ciidanka wadanin ee dharka shacabka xidhan.

Qaabka duubista iyo Tabinta xafladii isku dhafka ciidamada marka aad Fiiriso waxaa kuu soo baxaysa inay isku darsadeen Aqoon la’aan Jahli saxaafadeed ah iyo nooc Naxli ah oo muujinaya inaysan ku Faraxsanayn waxa socda, sidaa darteedna ay ku khasban yihiin ugu Yaraan inay kala dagaalamaan muuqaal Quruxsan inay katabiyaan.

Anaga oo aan ku Fogaanayn Hadana waxaan leenahay mamulka SRTV bal Wiilasha iyo Gabdhaha waxbarashada kale Hadambaysee iyaga Wacyigaliya oo simanaaro Habka Tabinta wararka iyo doorashada muuqaalada iyo Erayada ah u Fura, Hadii kale bahalka magaciisii Hore Halagu soo celiyo oo dadku Haku xisaabtamaan inaan xumaan mooye wanaag laga sugin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...