Midaynta ciidamadii Jabhada ONLF iyo kuwii DDS waa Guul Taariikhiya.

Waa cusub ayaa u baryay Guud ahaan shacabwaynaha ree DDS oo muda dheer lasoo daalaa-dhacayay colaadii u dhaxaysay Jabhada Gobanimadoonka ah ee ONLF iyo dawlada Itobiya taasi oo haatan si rasmi ah Jigjiga loogu soo Afjaray.

Madaxwenaha DDS, Mustafa Cumar oo kahadlay xafladii lagu midaynayay ciidamada Jabhada iyo kuwa dawlada deegaanka Somaalida, ayaa ku amaanay ururka ONLF in Halgankii hubaysnaa loo badalo mid siyasadeed iyada oo jabhadu u fushaynaysa himilooyinkeeda si nabad ah.

Madaxwenaha ayaa hadalkan kasoo jeediyay xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhweynayo ciidamo kor u dhaafay 1700 oo jabhada ah.

Warbaahintan dalka ayaa sheegtay in ciidanka jabhadu kamid noqon doono ciidamada ismaamulka Soomaalida kadib markii la siiyo wacyi galin ay dawladu ugu talogashay ciidamada jabhadaha hubaysan.

Xubnaha jabhada ee aan doonaynin inay ciidan sii ahaadaan ayaa loo qorsheeyay barnaamiyo kale oo ay bulshada dib ugu dhaxgalaan. 

Gudoomiyaha ONLF, admiral Mohamed Omar, ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay xukumada DDS iyo dawlada Ethiopia. Madaxda jabhada ayaa sheegay inay taagersan yihiin isbadalka dalka ka curtay oo suurtagaliyay inay ONLF si nabad ah u sii wadato halgankeeda. 

Ururka ONLF ayaa udbaha loo taagay 1984-kii isaga oo ujeedadiisu ahayd in in dadka ku dhaqan ismaamulka Soomaalidu aayahooda ka tashadaan.

Jabhada ayaa marxalado kala duwan soo martay intii ay dagaalka kula jirtay Ethiopia iyada caqabada ugu weyn ahayd in dadweynaha gobolka ay ku midayso halganka hubaysan, laakiin cadaadiska ugu weyn waxa ay dareentay 10kii sano ee la soo gudbay.

Xukuumadii TPLF ayaa adeegsatay tabo foolxun oo loo ciqaabo guud ahaan shacabka gobolka, gaar ahaan cidda lagu tuhmo ONLF. Madax badan ayaa jabhada colaada kaga dhimatay, halka kuwo kale laga soo qabtay wadamada dariska ah oo TPLF xidhiidh dhow la lahaa.

Inkastoo Ethiopia dhowr jeer ku dhawaaqday heshiisyo lala galay garabyo jabhada ah ama laga adkaaday ciidamada ururka, haddana kumay guulaysan inay gebi ahaanba jabhada saaxada ka saarto. 

Kadib markii uu isbadal ka curtay Ethiopia, ayay ONLF heshiis la gashay xukumada Abiy Ahmed kasoo suurtagaliyay in ciidamada ururka iyo madaxdu ku soo noqdaan Ethiopia. 

Labada dhan ayaa sheegay in laga wada shaqaynayo ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo in laga hortago saboolnimada iyo maamul xumada. 

Guud ahaan dadweynaha gobolka ayaa soo dhoweeyay go’amada jabhada oo xoojinaya midnimada shacabka DDS, balse waxaa jira dad tiro yar oo aan ku farxin talaabooyinka ONLF. Dadka noocaas ah ayaan soo bandhigin waxyaabaha badiilka u noqon kara heshiiska jabhadu qaadatay. 

Admiral Maxamad Cumar iyo jenaraal Cabdullahi Mukhtar ayaa ka muuqday xafladii xalay, balse waxaa la tabay Xoghayahii guud ee jabhada, Cabdiraxmaan Mahdi, iyo Afhayeenka jabhada, Cadaani Hirmooge, oo aan la filayn inay xafaladan oo kale ka maqnaadaan.

Waxaa xusid mudan in labada masuul iyo xubno kale oo ururka ahi maalmahan ku sugnaayeen Addis Ababa ONLF ayaa bilowgii sanadkan u xuub siibatay urur siyaasi ah iyada oo sheegtay inay ka qayb galayso doorashada soo socota.

Bye: Abdul Hirad


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...