Waa maxay Isbahaysiga Jigbuur ? ma xalbaa mise waa xaqdaro?.

Maalmahan waxaa media ha dhex wareegayay dad ku andacoonaya inuu jiro system layidhaahdo jigbuur oo loogala jeedo isbahaysi siyaasadeed oo ay leeyihiin Jigjiga iyo dhagaxbuur.

Hadaba hadaan isku dayo inaan milicsano xaguu ka bilowday? maxuuse salka ku hayaa? Iyo faa’iido iyo khadaare midkuu leeyahay isbahaysi noocaan ahi? Waxaan u kala qaadi dhowr qaybood.

1- Taariikh ahaan.

Isbahaysiga labadan gobol xag bilsho ahaan waa mid taariikh qoto dheer leh. Waxa uuna bilowday 1959 markii suugaanta soomaalidu magaalada u soo gudibtay ee ay bilaabatay suugaanta casriga ahi.

Waxaa jiray tartan kooxo heesa oo labada magalo leeyihiin oo tartan ka dhexeeyo oo kolla jigjiga taga marna dhagaxbuur taga.

Labadan magaalaba xaga xadaarada way ka horeeyeen magaalooyinka deegaanka oo waxay daba socdeen magaalada Saylac iyo Dire dawa oo markaa ahaa meesha xadaarada deegaanka laga hago .

Labandan magaalo iyo Dire dawa ba waxaa dagganaa carab ka soo haajirtay Yaman iyo meelo wadamada khaliij ka kamida.

 2- Horumar ahaan.

Labadan gobol waxaan aaminsanahay inay yihiin labada magaalo ee dadka ugu badan ku nool yihiine marka laga eego xaga shacabka. Meelba meesha ay ka dad badantahayna waa ay ka horumar badantahay deegaanka.

3- Xaga siyaasad ahaana

Labadan gobol haday noqdaan isbahaysi waxaa daga 19 qabiil oo soomali ah waxayna ka dhigantahay in hadii ay midow samaystaan ay noqon karto hal talaabo oo xaga xadaarada siyaadeed iyo dimuqraadiyada loo qaaday maadaama oo ayna ku bahoobin qabiil kaas oo ah midka ishaa u yeelay soomaali.

3- Tartanka siyaasadeed

Waxaan xaqiiq ah hadii shiniile lagu daro inay noqon karto xisbi siyaasadeed oo horumar la taaaban karo ka soohooyn kara gagida siyaasadeed ee deegaanka ama tan federaalka ah.

4- Saami qaybsiga.

Waa hubaal In hadii tani hirgasho ay ka soo bixi karto Saami qaybsiga siyaasadeed oo looga gudbo xaalada siyaasada deegaanka ee ku salaysan qabiilka loogana sii gudbi karo ururo siyaasadeed oo kililka oo dhan ka tartama iyo siyaasad hufan oo sal balaadhan.

Hadaba nidaamkan JIGBUUR waxaan u arkaa In hadii lagu soo daro shiniile uu noqon karo saaxad suuban oo siyaasada guracan ee deegaanka looga gudbo.

Hadaad aragto qof nidaamka noocaana dhaliilayana waa qof u sacaba tumaya siyaasada qabiilka ku salaysan ee lala fadhiyo addis iyo In albaabada federaalka lahortaagnaado oo jaajuusnimo la miciinsado. Sheekadii corn. Hebel baa iwatana u arka xal waara.

Bye:Ahmed Absiye


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...