Waxaa Laxidhay Albaabadii colaada waxaana Furmay Albaabadii Rajada.

Isku darka iyo midaynta Labada ciidan (ONLF iyo LIYUU) waxaa ay bixinaysaa iftiin ama Nal Hadda ka hor aan Rajo buuran laga qabin inuu kadhex daarmo ama kadhex Huro deegaankeena.

Yaa salaaam! Tallaabadan xagga isku duubnida iyo midaynta cududda degaanka loo qaaday, waxa ay meesha ka saari doontaa madmadow badan oo degaanka hana-qaad u diiddanaa.

Nafaf badan oo bilaa sabab ku go’i jiray, xadhig wadareed aan caruur iyo cirroole ba xeerinin iyo cabudhin, culays iyo cadaadis joogta ahaan jiray ayaa¬†albaabada ay ka soo gali jireen la xidhay. Si kale uma garatide, waxaa la xidhay gebi ahaanba albaabkii colaadda.

Dhacdadan taariikhiga ah waxa ay furtay albaabkii nabadda iyo nolosha. Waxaa muuqata yididdiilo degaanku ku noqon karo midka ugu hormarsan degaannada Itoobiya oo dhan, xattaa kuwii la soo naasnuujin jiray 27sannadood ee aynu go’doomka nololeed ku jirnay.

In yar aan dib kuu celiyo e, haddii aad baadhis ku samayso qaybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed, Soomaali dadka ugu caansan hadday noqoto Aqoon ama siyaasad, suugaan ama murti, dhaqan ama xeer, Culimo awdiin waxa ay ku dhasheen ama ka soo dhex baxeen degaankan Soomaalida.

Sida xaqiiqada ah, degaanku waxa uu hodan ku yahay soo saarista dadka hibada iyo hal-abuurka nololeed leh. dadkii noocaas ahaa ee degaanka ka soo bixi jiray 10-kii sannadood mar, waxa kala irdheeyey colaaddii loogu talagalay inuu degaanku hagaaso ama wuxuu dhalaba dhicis noqdaan.

Cadceeddu bari bay ka soo baxdaa.

Degaanka waxa uu ku yaallaa bariga Itoobiya waxaana degaanka ceegaaga khayraad iyo macdan dabiici ah degaanka waxaa dega Soomaali oo ka mid ah dadka dunida ugu caqliga badan.

Mar hore hadday colaadi oggolaan wayday inuu degaanku khayraadkiisa ku hormaro, inuuu degaanku filkii la tartamo, waxaa usoo hiiliyey nabsi iyo nabad oo hadda u ku garabsiinaya inuu qayrkii ka sara maro. Waxa aynu haysannaa fursad aynu nal ka duwan kii hore ay Tigraygu shideen inaan daarro.

Haddaba si loo helo ama uga faa’iidaysanno khayraadkeenna dabiiciga ah ama nalkaas u daarro: kow, waa inaynu ka wada shaqaynaa daraf ilaa daraf (Mooyaale ilaa Dambal) midnimo, midnimo! Laba, waa inaynu dawladnimada iyo danta guud ka horumarinnaa danaheenna shakhsiyadeed ee gaarka ah.

Saddex, waa inaynu isxilqaan iyo waddaninimo la nimaadnaa, oo ruux walba dhankiisa ama gurigiisa boodhka ka soo jafo. (Charity begins at home.) Afar, waa inaynu is aamminnaa, inaynu wax wada leennahaynna isu qirnaa.

Jacayl iyo walaalnimo wa inaynu ka dhigannaa shidaalka ama tamarta aynu ku shaqaynayno. Shan, waa inaynu meesha ka saarnaa qabyaaladdan laabaheenna xinka, xiqdiga, xaasidnimada iyo xasillooni darada ku beertay. Qabyaaladdan innaga saartay daaha wanaag oo dhan waa inaynu dhinac isooga aasnaa. Qabiilku waa astaan ee ma aha dhaqan!

Intaas haddaynu la nimaadno, waxa aynu la mid noqonaynaa cadceedda bariga ka soo baxda iftiinkeeda dunida nuuriya oo kale. Allow wanaagga na garansii.

Waa la doogiye yaan la dacaroon.

W/Q: Axmednuur Marayare


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...