Sucuudiga oo diiday in labaadho Dilkii Jamal Khashoggi.

Wasiiru dowlada arimaha dibada ee Dalka Sucuudiga ninka lagu magacaabo Adel al-Jubeir ayaa sheegay in uusan ogolaan doonin baadhitaanka ay wadaan gudiga  xuquuqul insaanka ee ka socda QaramadabMidoobey.

Qaramada midoobey ayaa arintaani gudi u saartay ka shaqo bilaabay dalka Turki si ay u soosaaraan xaqiiqada ka danbaysay Dilkii loogaystay Wariye Jamal Khashoggi.

Dhanka kalana Guddigan oo lagu wado inay warbixintooda Golaha Amaanka ee Qaramada midoobey  horgeeyaan bisha June ee sanadkan aynu ku guda jirno, ayaa xaqiijiyey in dilkii loogaystay  Jamal Khashoggi ee 2dii bishii Oktober ee aynu soo dhaafnay  ka dhacay qunsuliyada Dalka Sacuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbul ay ahayd fal fool xun oo ay geysteen saraakiisha Sacuudiga ee ka shaqeeyay safaarada, guddiga ayaa waxa  sheegeen  in Boqortooyada Sacuudiga ay sidoo kale caqabado badan hordhigtay baadhitaankii ay wadeen booliiska Dalka  Turkiga.

Sirdoonka  Maraykanka ayaa iyana dhankooda xaqiijiyey in amarka lagu dilay suxufi Khashoggi uu ka yimid Qasriga looga arimiyo Dalka  Sacuudiga, waxaana la  aaminsanyahay in uu amarkaasi bixiyey Dhaxalsugaha  Boqortooyada Dalka Sucuudiga Maxamed Bin Salman.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...