Deg Deg:Dowlada Soomaaliya oo saraakiil ciidan u xidh xidhay Rag Alshabaab ahaa oo lalaayay.

Dowladda Federaalka Dalka  Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan  Ciidamada militariga oo loo heysto inuu ka dambeeyay dilka lix qof oo looga shakisanaa inay Al Shabaab ka tirsanaayeen.

Dadkaan Alshabaabka u  eedaysnaa ayaa   horraantii Bishii la soodhaafay lagu toogtay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dilkaan  loo gaystay ragga looga shakiyay inay xubin ka ahaayeen Shabaab looma marin wax maxkamad ah .

Sida wararku nagu soo gaadhayaan Sarkaalka oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Turbo ayaa lagu xidhay magaalada Muqdisho kaddib markii qaar kamid ah xildhibaanada dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeen in  Sargaalku uu geystay dil ka baxsan sharciga.

Xildhibaanadaan soo eedeeyay Sargaalka ayaa la sheegayaa in ay ka soo jeedaan Gobolka Gedo oo ah halka uu dilku  ka dhacay.

Warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in xildhibaanada ay kasoo jeedaan gobolka lagu dilay raggan.

Dhanka kalana Bishii Disembar ee sanadkii lasoo dhaafay,  Taliska sare  ciidamada Dalka  Soomaaliya ayaa amar ku siiyay ciidanku inay toogtaan dagaalyahanada  ka tirsan Ururka  Al Shabaab ‘meeshii ay ku arkaanba’.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...