Tigreega oo Kumanaan ciidama ah kusii daabulaya xadka Axmarada kala dhexeeya.

Mamulka Qomiyada Tigreega ayaa mar kale ku celiyay inay diyaar u yihiin dagaal ay kudifaacayaan Guusha Halgankii adkaa ee Geesiyaashii Tigreegu usoo dhinteen kagana xoreeyeen Itobiya Taliskii Dergiga” sida uu sheegay masuul katirsan Hogaanka sare ee Kooxda TPLF.

Sida lagu baahiyay qaar-kamida shabakadaha xagjirka ah ee Tigreega Kumanaan ciidamada Tigreega oo Garab kahelaya maleeshiyaadka mutadawiciinta ah, ayaa Gaadhay Jiida Hore ee xadka Axmarada ay lawadaagaan halkaasi oo Todobaadkii Hore ay Gaadheen ciidamada Liyuuga Tigreega.

Qomiyada Tigreega ayaa cabsi wayn kaqabta isbadalada kasocda Itobiya waxayna cabsida ugu badan kaqabaan Gudiyada dhowaan Barlamanka Itobiya Ansixiyay, kuwaasi oo ka kooban Qomiyadaha Oromada iyo Axmarada oo haatan wadaaga Talada dalka Itobiya.

Tigreega ayaa u arka in Gudiga xuduudaha iyo Jinsiyaduhu yahay mid ladoonayo in dhul balaadhan iyo Qomiyada dhawr ah oo si xooga ay mamulkooda ugu darsadeen in laga Fara-maroojiyo, waxayna dadaalkii ugu cuslaa ugu Jiraan sidii ay uga Hortagi lahaayeen una Fashilin lahaayeen Gudigaasi oo Axmaraduna dhinaca kale kariixayso.

Kumanaankan ciidamada cusub ah ee Tigreegu xadka kala dhexeeya Xabashida keeneen ayaa Kumanaan shacabka deegaamada xadka ah ku khasbay inay dhulkooda isaga barakacaan, waxaana Jirta cabsi xoogan oo laga Qabo in dagaal Qomiyadeed uu kadhex Qarxo Tigreega iyo Axmarada.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...