Waxaa qabsoomay shirkii kaniisada iyo hogaanka nabadgalyda iyo cadaaladda +xafiiska arimaha diinta ee deeganka

Shirku waxuu ku saabsanaa wada noolaanshaha diimaha deegaanka (kaniisada iyo muslimiinta)

Dadka muuqday ee ka hadaly waxaa kamid ahaa Hogaanka nabadgalyada iyo cadaaladda mudane cabdicaadil madax majliska sh axmed aabi .

shirka waxaa ka hadlay Hogaanka waxuuna sharxay nabad kuwada noolaanshaha diimaha waxuuna raali galiyay qayska waxii dhacay bishii sideedaad afartedii waxaa isooga dambeeyay raaaligalinta sh axmed aabi iyo sh maxamed somali oo aad ugu dheeraaday qaysku in uu raali ka ahaado waxii dhacay waliba way baryootameen si sharaf dhac ah .xaaji cali shoocaac oo shirka joogay yaa farta taagay dhawr jeer looma fasixin hadalkii.

Qayskii waa hadlay :waxuu yidhi waxii dhacay raali ahaw kuma filno intaas ku raali ahaan mayno si adag yuu u hadlay

Xaaji cali shoocaac yaa dhawr jeer markii hadalkii loo diiday si is miqiiq ah Mikrafoonkii u qabsaday wuxuuna yidhi :

Cabdi iley wiilkiinii ood noo keenten buu ahaa qaysaaw adiga iyo aawawgaana waligaa sidaa unbaad noo xasuuqi jirteen wax na sheeg sheegana maanaan arag wax na raali galiyana maanaan arag iyo wax noo ooya toonna labba boqol oo sanno unbaad sidaa noo xasuuqayseen adiga oo jigjiga joogga waxaan ku barbaryo garan maayo .!!!!

Shirkii yaa sacab qarqiyay waa la is maqli waayay hadalkii waxaa ku soo noqotay intii bilawday raali galintu egga waa hadalka xaajiga .

Qaysaaw ka raali noqo wadaadkan waalaan hadalkaas lama qabno isku midbaan nahay marlabad qayskii wuu iska diiday in uu raali ahaado

Xaajigiina sidii yaa shirka looga saaray markuu dibada yimid madiixiisa meel laga dhunkado yaa laga waayay hadalka uu sheegay iyo siduu ilaaahay u waafajiyay hadalka saxda ahaa!

Akhristoow lasoco ragga qayska baryi waa culimo ee dad iska caadi ah ma aha

waana amar ka yimid madaxwaynaha si loo raali galiyo dad aan soomaali ahayn oo diin kale haysta looguna raali galiyo wax inaka bahdil inookeenna dhinacwalba , aaway soomaalinimadii aad sheegan hayseen?aaway diinbaa nalagu haystaadii ???

Qaysku ku raali ahaan maayo hadalkiina raaligalinta ah waxuu doonina waydun garan .

wali cid idin ka horaysay oo qays intay shirkeentay barbarida lama arag lixbilood kahor yaan lahaa ilaahayaw khilaafada islaamiga iyo khilaafada masiixiga nookala badbaadi .

✍ NIMCAN CABDIRAXMAN


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...