Waxaan Kujiraa sifaynta Hubka dagaalka” madaxwaynaha Tigreega

Madaxwaynaha mamulka Tigreega ayaa kumanaan dhalinyarada Tigree ah Fagaare ugu sheegay in Lagaadhay xiligii ay difaacan lahaayeen Gobanimada iyo Sharaftii ay Kumanaanka Geesi u dhinteen” waa sida uu Hadalka u dhigay.

Guudahaan deegaanka Tigray waxaa kasocda dabaaldag balaadhan oo loogu jiro xuska ,,yekatit 11,, oo ah maalin kusuntay dagaalkii khadhaadhaa ee jabhada TPLF lagashay xukuumadii Dergi.

Xuskan ayaa kusoo aaday xili ay aad uliidato awooda fulineed ee TPLF marka la,eego dhinaca dawlada dhexe taasi oo horseeday inay aad ukala fogaadaan xukuumada Addis Ababa iyo mida Mekele oo saldhig unoqotay saraakiil hore,ganacsato caana iyo shaqsiyaad horay saamayn balaadhan ugu lahaa siyaasada caasimada dalka ee Addis Ababa.

Saxaafada dalka itoobiya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xuskan oo qaarkood ay kusgeegeen mid dagaal, kadib markii buuralayda Dhedhebit ay booqasho kutageen kumanaan kamid ah saraakiishii TPLF kuwaas oo astaanta TPLF iyo Qoryo gudoonsiiyay kooxo dhalinyaro ah kulana dardaarmay inay ilaashadaan gobanimadooda ,,waasiday sheegeene,,.

Dhankakale madaxwaynaha deegaanka Tigray Dr. debretsion gebremichael oo kuhadlaya luuqada tigreega maruu kulan laqaadanayay dhalinyarada deegaanka Tigray ayaa sheegay inay ka aamin baxeen xukuumada Addis Ababa islamarkaana ay kujiraa sifaynta iyo diyaarinta hubka siay udifaacaan xoriyadii shalay loo dhintay,,waa siduu yidhiye,,.

Iskusoo wada duuboo deegaanka Tigray ayaa umuuqda mid uu kasocdo abaabul iyo dhiirigalin shacab oo balaadhan kaasi oo u-eg nabad iyo colaadba niyada kuhaya.

SDM Addis Ababa Ethiopia


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...