Qabridahar waa madaxa magaaloyinka deegaanka.

Qabridahare (Qabridaar) waa magaalo Taariikhi ah waxay ka da’a wayn tahay magaalada Goday iyo magaalooyin badan oo deegaanka ah, waxay 5 bilood ka yaartahay magaalada Wardheer.

Magaalada Qabridahar waxay 1-sano ka yar tahay magaalada Burco waxaa la kala Gudi waayay in la dhisay sanadkii 1912-kii.

Bilawgeeda waxaa sal u ahaa ciidan uu ingiriisku ku lahaa oo kaneco ku cuntay wabiga ayaa waxaa lakeenay oo gabaad looga dhisay ceelka agtiisa meesha magaaladu tahay.

Magaalada waxa Soo jiitay ceelka magaca ceel ku waa Qabri haad oo ku magacbaxday meesha waxaa ku ooli jiray dhagaxaan waawayn oo tiirodu dhigtay oo hadh leh. Waa taas magaca halka uu ka soo jeedo.

Cimilo ahaan magaaladu waa meel dagan hoos waxaa ka xiga dhul cara madaw ah oo beero ku habsan. Magaaladuna waxay saarantahay dhul buur ah oo gabiib ah.

Magaalada waxaa soo maray gumaysigii cadaa ee Ingiriiska iyo Talyaanigab oo midba mar xukumay. Waxaana uga danbeeyay gumaysigii Xabashida oo uu hor kacayay Xaylesalase.

Magaaladu waxay isku xidhaa Goday, wardheer, ferger iyo dhagaxbuur. Waxaa kutala wadada laamiga ah ee u kala baxda Goday iyo dhagaxbuur.

Hlagankii gumaysiga waxay ku lahayd kaalin mugleh waxaan lagu xisaa in ragbadan oo hogaankii halganka ahaa ay ka soo jeedeen magaaladan iyo agagaarkeeda.

Tacadiyadii iyo burburkii ka soo gaadhay dagaaladii gumaysiga waxay ahayd mid ay muda dheer ka muuqdeen magaalada. Waxaase ugu daraa kii ugu danbeeyay ee uu gaystay Cabdi iyo TPLF oo lagu xasuusto ladagaalanka diinta, dhaqanka iyo sharafta umadu leedahay.

Qabridaar waa magaalada kufsiga iyo faraxumaynta ugu badan loo gaystay. Taa waxaa dheeraa waa meesha sida ugu fool xun loola dhaqmay hogaamiye dhaqameedyada deegaanka.

Xaga horumarka inkastoo inatitution waawayn laga hirgaliyay, telecommunication laga hirgaliyay hadana horumarka magaaladu waa mid ay ka muuqato hayraafo waawayn.

Dhinaca adeega bulshadu waa baaba’a, haday caafimaad tahay, waxbarasho, beero ama biyo xumada ka jirta magaalada.

Hadaba magaaladan oo xudun u ah masaafo aad u balaadhan waxay ahayd In laga helo dhamaan adeegii bulsho u baahnayd. Dawladana Waxaa looga fadhiyaa In ay indho dheer ku eega an magaalada.

Bye: Ahmed Absiye


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...