Kulan xasaasiya oo Kaadirka iyo Xog-hayaha Guud ee ONLF dhex-maray.

Xog-hayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia mudane Cabdirixman Shekh Mahdi (Maadey) ayaa kulan xasaasiyo oo arima badan looga dooday Layeeshay Kaadirka Jabhada ee kusugan magalada Jigjiga.

Kulankan oo mudo lasugayay ayaa Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi lagaga dhagaystay warbixin aad udheer oo uu Xoghayuhu kaga warbixiyay marxaladihii uu halganku soomaray mudadii 35ta sano ahayd ee halganku uu soosocday.

Sawirada Halkan Riix

Sidoo kale Xoghayaha ayaa Kaadirka JWXO kubogaadiyay kaalinta dahabiga ah ee ay shacabka uhayeen iyo waliba adkaysigii iyo dhabar adaygii badnaa ee ay soosameeyeen, si shacabka Soomaalida Ogadenia xoriyad loogaadhsiiyo taas oo wadadeedii aan laga leexanin.

Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Maadey ayaa Kaadirka JWXO kubooriyay sidii ay uga soodhalaali lahaayeen marxalada cusub ee halganku uu galay, taas oo sida uu Xoghayuhu sheegay ubaahan dadaal intii hore kasiibadan, una baahan adkaysi iyo dhabar adayg badan.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa sharaxaad dheer kabixiyay qorshayaasha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, iyo habka si nabad ah loogu sii halgami doono.

Dhinaca kale Kaadirka JWXO ee kulanka sooxaadiray ayaa Xoghayaha siiyay talooyin aad ubadan kuwaas oo dhamaantood uu Xoghayuhu calaamadaystay una bogay.

Sidoo kale Kaadirka JWXO ayaa su’aalo aad ubadan waydiiyay Xoghayaha kuwaas oo mudane Cabdiraxaan uu ka qanciyay Kaadirka, Isla markaana uu bogaadiyay sida ay su’aalahooda usoo bandhigeen.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday kulankii dhex maray xubnaha Kaadirka JWXO iyo Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi.

Tuuladiid.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...