Rahma Intey Xidhan Tahay Waxaa Xidhan Umad-nimadeenii.

Marka Umad La Gumaynayo Heerar Kala Duwan & Marxaladdo Midba Mid Ka Hooseyso Kana Liidato Ayaa Maalinba Mid Loola Soo Gole-fadhiista.

Rahma Mohamoud Haybe Xadhiga Ay Bilooyinka Xidhan Tahay Waa Weerarkii Ugu Dambeeyey Ee Lagu Soo Qaado Qoomiyadnimadeena, Sharafkeena & Cisigeegeenaba.

Xadhiga Marwo Rahma Waa Tijaabadii Ugu Dambeysay Ee Lagu Ee Lagu Cabiranayey Halka Qabkeeni & Qiyamkeenii Soomaalinimo Lagu Xabaalay.

Xadhiga Inanteenu Shisheeyaha Hoga Madaw Ugu Xidhan Tahay Ma Xaq Baa Mise Waa Xaq-darro ?

Rahmi Inaga “Umadda Soomaaliyeed” Hadey Dambi Gashay Maxaynu Deegaankeena & Maxkamadaheena Ugu Xukumi Weynay ? Waaba Haddii Ay Dembi Inaga Gashay.

Xadhiga Rahma In Badan Baan si Gooni Gooni ah Isugu Dayay Inaan Ugula Hadlo Odayaasha Dhaqanka, Masuuliyiinta Deegaanka Heerarkoodda Kala Duwan & Dadka Maangalka ah Ee Deegaanka Wax Ii Garaaba Mooyaane Wax Tallaabo Ficil ah Ka Geysta Waan Waayey, Waxey Ka Maarmi Wayey Inaan Dareenkayga & Damiirkayga Qofnimo si Mug Leh Ugu Dhigo Dhiganahan.

Bulshadda Inteedda Damiirka Lehna Aan Ku Dhiiri-geliyo Kuna Baraarujiyo Xadhiga Rahmi Inuusan ahayn Mid Keligeed ay Xidhan Tahay Bale Aynu Kuligeen Aynu Meyti Socota Nahay.

Rahma Intey Xidhan Tahay Waxaa Xidhan Umad-nimadeenii, Rahma Intey Xidhan Tahay Waxaa Xidhan Damiirkeenii & Jiritaankeenii.

Rahma Waxaa Hagraday Masuuliyiinta Metela Deegaanka Soomaalida Oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Xisbiga AHMED SHIDE & Madaxweynaha Deegaanka Mustafe Omer Masuuliyiinta Soomaalidda Heer Federal & Heer Deegaan.

Rahma Waxaa Hagratay Jabhadda ONLF Oo sir & caad Uga Gaabsadey Xadhiga Rahma.

Rahma Waxaa Hagraday Culimadda, Ganacsatadda & Aqoonyahanka Umadda Soomaaliyeed

Rahma waxaa Hag-ratay Umadda Somaaliyeed Ee SOMALI STATE Idilkeed Qurbe-joog & Qaran Joog

Guumaystayaashii Kala Midabka & Wekhtiga Duwana Ee Degelkeena Soo Marey Marnaba Kumey Dhiiran Iney Gabadh Soomaaliyeed Addis Ababa Ku Xidhaan.

Dhanka Kale Ragii Rubuc Dadkeena Kamid ah Aboorka Wehelka Ugu Dhigey Hantideeniina Xaabsadey Sharciga Qaban Waayey Ee Hablaheenii Oon Xinjir Dhiig ah inaga Daadin Qabtay Waa Sharchigee ?

Bye:Aidrous Ahmed Abdi


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...