Taariikhda Allaha u naxariistee General Max’ed Ibrahim oo London ku Geeriyoday.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Rabi Naxariistii Jano Ha ugu deeqee waxaa dalka Ingiriiska ku Geeriyooday Halgamaa General Maxamed Ibraahim Kuubar oo kamid ahaa Naftood Huryaashii dagaalkii 77-kii ee Ogaden war Kaalinta lama ilaawaanka ah kaqaatay.

Rabi Qabiriga ha u waasiciyee General Kuubar wuxuu kudhashay Degmada Filtu ee Gobolka Liibaan ee wadanka Ogadenia ama DDS, wuxuuna kamid ahaa dhalinyaradii Hormuudka u ahayd Halgankii Hubaysnaa ee lagu xoraynayay dhulka Hooyo.

General Maxamed Kuubar wuxuu Horaanta sanadihii 70’meeyadii kamid noqday ciidankii xooga dalka Somaaliyeed, waxaanu Jananku Tababar kala duwan oo Heer sare ah kusoo kala Qaatay wadamo ay kamid yihiin, midowgii Soofiyeeti iyo Masar waxaanu ciidanka xooga dalka ka Gaadhay darajada Janaraal taasi oo uu ku mutaystay Geesinimada iyo Hawl karnimadiisii.

General Kuubar wuxuu dalka Ogadenia dib ugu soo Laabtay kadib markii ay meesha kaxday xukuumadii dhexe ee Somaaliya dalkii Somaaliyana uu Galay dagaal sokeeye, wuxuuna kamid moqday Xildhibaanadii ugu Horeeyay ee deegaanka Somaalida Ogadenia, waxaana Janaraal Maxamed Kuubar uu kamid ahaa kuna Tartamay Tigidka Jabhada Wadaniga Xoraynta ogadenia (ONLF).

Allah haunaxariistee marxuumka ayaa maalinkii shalay ahayd kugeeriyooday dalka ingiriiska wuxuuna dunida kagatagay 2 xaas iyo 13 caruura.

Bahda Ogaden24 waxay Qoyska Ehelada Qaraabada Asxaabta iyo Guud ahaan Ummada Somaalida Ogadenia uga Tacsiyaynaysaa Geerida Naxdinta leh ee kutimid General Maxamed Ibrahim Kuubar inuu samir iyo Aamin kasiiyo, isagana uu Rabi ugu deeqee Naxariistiisa Waasaca ah kana dhigo marti sharaf Lajecel-yahay.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...