Abiy Ahmed muxuu maanta Itobiya u sheegayaa.

Xaalada Amni iyo siyaasadeed ee Itobiya oo Gabi ahaan Faraha kabaxday ayaa Ra’iisal wasaraha Itobiya ku Khasabtay inuu maanta Qabto shir Jaraa’id oo uu kula Hadlayo dadwaynaha kagana warbixinayo xaalada dalka.

Sida warbaahinta dawladu kasoo xigtay xafiiska Ra’iisal wasaraha shirka Jaraa’id ayuu Abiy diirada kusaarayaa Kacdoonka Qomiyada Oromada iyo caasimadii Addis ababa oo marka laga Yimaado Kacdoonka uu buux dhaafiyay Hub 4-ta Jiha kaga socda.

Amaankii Guud ee Gabi ahaan Itobiya ayaa u muuqda mid Faraha kasii-baxaya gaar ahaan mana jirto Hal meel ah oo maanta xasilooni Laysku Halayn karo ay Kajirto, marka laga reebo wadanka Ogadenia oo mamulka DDS Jabhada iyo shacabku Gacmaha is Qabsadeen, balse wixii kale ee Itobiya Laysku dhihi Jiray oo ay ugu Horeeyaan, Addis ababa, dhulka Oromada, xadka Tigreega & Xabashida, shucuubta Konfureed iyo Ben Shangulka ayaa baaxaa dagaya.

Marka laga Yimaado Kacdoonka Oromada iyo amniga Guud ee dalka ayaa waxaa lagu wadaa inuu kahadlo arimaha siyaasada iyo is badalada cusub ee soo Kordhay oo ay ugu Horeeyaan is casilaada madaxwaynihii Amxarada, kaasi oo lagu Eedeeyay inuu Gacan-saar la leeyahay xisbiga OPD-da Oromada, waxayna is casilaadaasi dharbaaxo culus kunoqotay Abiy Ahmed.

Shirka Jaraa’id ee Abiy Ahmed ayaa waxaa barbar soconaya mudaharaadkii ugu balaadhnaa oo maanta kadhacaya Addis ababa iyo dhamaan dhulka Oromada, kaasi oo looga soo Horjeedo Guryaha Bakhtiya Nasiibka uu kubixinayo mamulka magalada Addis ababa.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...