Axmarada oo xiisad colaadeed & Rabshado Abaabulan kawada magalada Jigjiga.

Magaalada Jigjiga ee caasimada dawlada deegaanka Somaalida waxaa shalay ilaa iyo maanta kataagan xiisad colaadeed iyo Rabshado ay wadaan dhalinyarada Qomiyada Axmarada.

Kooxahani Abaabulan oo shalay weeraro khasaare Hantiyeed Gaystay kuqaaday xarumaha Ganacsiga Somaalida ee xaafadaha 6-aad iyo 5-aad, ayaa saakana bilaabay Ugaadhsiga ruux kaste oo Somaali ah oo ay ku Arkaan Labadaasi xaafadood.

Sida uu Ogaden24 u xaqiijiyay muwaadin dagan xaafada 6-aad ee magalada Jigjiga waxaa ku Adkaatay inuu Gurigiisa kabaxo saaka, waxaanu wacday dad Qaraabada ah oo dagan xaafada 1-aad kuwaasi oo iyaguna Police-ka u Tagay si muwaadinkaasi uu u shaqatago.

Ciidamada Amaanka magalada Jigjiga ee Heer Kilil oo iskudayay inay kala Eryaan Koox dhalinyara ah oo saaka xaafada 6-aad Somaalida ku baacsanayay, ayay isku dhaceen dhalinyarada Axmarada waxaana ilaa iyo hada Taagan xiisada u dhaxaysa ciidanka iyo Axmarada Abaabulan.

Xukuumada madaxwayne Mustaf ayaa Hawlgab kadhigtay Gabi ahaan ba ciidamadii Amaanka ee deegaanka waxayna magaladii dhamayd ee caasimada DDS ahayd u Gacan-gashay Qomiyada Axmarada oo iyadu ah Tan kaliya ee Fartay doonto kadhex Qorta Jigjiga, waxaana Hubaala Hadii uusan madaxwayne Mustaf kudhiiranin in Talaabo laga Qaado canaasiirta Abaabulan ee Axmarada inay Jigjiga si Fudud wakhti aan Fogayn Gacanta uga bixi doonto.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...