Saraakiil sare oo Tigree ah oo Jigjiga shirar siyaasadeed kawada.

Xubno isugu Jira saraakiil sare oo ciidan iyo siyaasiyiin kasoo Jeeda Qomiyada Tigreega ayaa 4-tii maalmood ee u dambaysay shirar xasaasiya kuyeelanayay magalada Jigjiga ee xarunta DDS.

Saraakiisha iyo siyaasiyiinta Tigreega ah ee Jigjiga shirarka kuleh ayaan intooda badan wax xil ah ku magacawnayn wakhti xaadirkan, balse waxaa Qayb ka ah saraakiil katirsan Taliska Harar iyo kuwo Addis ababa kayimid oo iyaguna xilal ku magacaaban.

Shirarka Kooxdan katirsan TPLF oo inta la Og-yahay 3- Jeer shirkoodu dhacay 3-dii maalmood ee ugu dambaysay, ayaan U Jeedada shirkooda xog dhab ah laga-hayn marka laga reebo Taliyaha ciidanka Liyuu Police Gen. Xaaji oo saraakiisha intooda badan ay Horay usoo wada shaqeeyeen hadana ah shakhsiga kaliya ee laxidhiidha.

Inta badan Hotelada casriga ah ee magalada Jigjiga waxaa iska leh ama share kuleh dad Tigree ah sidoo kale Hantida iyo Ganacsiga waawayn, ayaa waxaa u badan shakhsiyaad Tigree ah oo mamulkii Hore xidhiidh kala dhexeeyay walina Hawlahoodii si caadi ah uga wata magalada.

Marka laga Yimaado deegaanka Tigreega Jigjiga waa meesha ay wali saamaynta ugu badan kuleeyihiin Hadhaaga Kooxda TPLF, balse waxaa aad u Hoosaysa Khatarta Somaali ahaan Haatan Tigreega kaga imaan karta marka loo Fiiriyo Itobiyada kale oo dagaal aan Qarsoonayn uu kala dhexeeyo.

Si kastaba Ha ahaatee waxaa la Gudboon xukuumada DDS iyo Hay’adaha Amaanka Heer deegaan inay shaqadooda Qabsadaan oo kahortag ahaan wax uga Qabtaan shirarka aan Qarsoodiga ahayn ee Kooxda TPLF kawado Jigjiga, waxaana xaqiiq ah inaan marnaba Kooxda TPLF wax Khayr ah laga Filayn sidaa darteed Kahortaga ayaa ka wanaagsan kadaba Taga.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...