Shilka Diyaarada iyo daqiiqadaha u dambeeya.

Shilka diyaaradeed , sida ay Sheegaan dadka ka badbaada, inta badan waxaa dadka dila shidaalka diyaaradda ( aviation fuel) oo dhawr jeer is qarxiya qiiq madaw oo sumaysana isu beddela.

Gudaha diyaaraddu waa caagag iyo shimac, waxayna kordhiyaan dabka. Dadka dabka ku dhinta rasuulku (scw) wuxuu noo sheegay inay ka mid yihiin shuhadada.Allaha ka aqbalo shahaadadooda.

Kahor inta ayna diyaaradu candhada dhulka ku dhufan, Dab madaw, Olol xoogan, Qaylo wadareed, Argagax iyo Guux wadataana aanay xusuus kuugu danbayn.

Waxaad yaqiinsan in waqtigaagu yimid, waxaad yaqiinsan inaad caawa rabigaa la joogto, waxaa ku kala jiidan 2 dareen: dareen boholyoow– inaad ehelkii & asxaabtiina aadan ka faaruqin iyo dareen cabsi watoo ku odhanaya maxaa kaa horeeyood hormarsatay!.

Waxaa il bidhiqsiyo gudahood sidii cajalad dib isu celinaysa ( rewind) indhahaaga hor mari noloshaada idilkeed iyo intaad ku lahayd , qorshaha kuu yaal, waxa kaa qabyo ahaa, salaaddii u danbaysay ma tukatay, awlaad, waalid, asxaab, wajiyo is xusuusta iyo waayo waayo.

Waxaad deggenaansho ka heli xusuusta ah salaadahaad oogi jirtay, sadaqaadkaad baxsatay, wanaaggaad u hiilin jirtay, dulmigaad iska bari yeeli jirtay, waalidkaad u samo fali jirtay, agoontaad ehelka u ahayd, masaakiintaad walaalka u ahayd, inta dulmaneed wehelka u ahayd..bishii ramadaan iyo wanaaggay lahayd.

Waxaad jalleeci ilmaha aad dhashee ku ag fadhiya, ilmuhu wuu ku qabsan, wuuna ku su’aali ” Hooyo maxaa ku dhacay diyaaradda “? Dhagahaad ka furaysan adoo hoos u ooyaya, Waxaadse iimaankaaga ka heli kalsooni iyo sugnaansho ku qaboojisa.

Waxaad yaqiinsan inaad ilmahaaga shuhado wuxuu carabkaagu bilaabi waxaad ku tarbiyaysay inuu rabigii nazaho “subxaanalah”, inuu rabigii wayneeyo ” Allahu akbar “, inuu rabigii u mahadceliyo ” Alhamdulilah “, inuu rabigii kali ahaanshihiisa sugo ” laa ilaaha ila alah “.

Inuu suubanaha salawaat u diro ” Allahuma sali calaa muxamed ” waxaad ogtahay haddaad dabkaa ku dhimatana inaad shahiid tahay, daqiiqado ka dibna aad ag joogto rabigaa adoo ku faraxsan waxa agtiisa kuu yaala , lana jooga ilmahaagii kula socday” فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ.

Taa cagsigeeda waxaa ah inaad daqaa ‘iqa u danbeeya aad la noolaato walwal iyo argagax ah ” Xaggeen u socdaa, maxaa iga horeeya, alla maxaan dad kala geeyey, maxaan salaad dayacay, soon gooyay, maxaan dulmi garab u ahaa, daalimna garwadeen u ahaa, maxaan masaakiin dayacay, agoomo ka tallaabsaday, muxuu ahaa mabda’a noloshaydu…waxaa ku xiga qam, gaw iyo dab xooggan! Diyaaraddii burburtay, jidhkaaguna gubay, ruuxduna xaggii rabigii ay ka timid ayay u noqotay!

Waxaa nala gudboon inaan laba shay wanaajino: xidhiidhka Alle aan la leenahay iyo walaalnimada dhexdeena taal,

Allaha na sugo, khaatumo wanaagsanna nagu oofsado.

Sh. Horsed Noah


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...