Jaha-wareerka xukuumada DDS iyo Jawiga Tirakoobka.

Guud ahaan dalka Itobiya waxaa kasocda Abaabulkii ugu dambeeyay ee deegaamada Hoostaga mamulka Addis ababa ay dadkooda ugu diyaarinayeen in ruux kaste uu xaadiro Goobta Tirakoobka ee deegaankiisa, waxayna madaxda mamuladu u saareen Gudiyo Heer deegaan ah oo iyaguna sii Hawlgaliyay Gudiyo Heer Gobol ilaa Heer Tuulo ah, taasi oo muujinaysa sida ay uga Go’an tahay in dadkooda aysan Luminin Fursadaasi Tirakoobka.

Hadaba waxa nasiib daro ah in shacabka somalida cid waliba taqaano cudurkeeda (qabyalada) taasi oo si dhib yar logu kala qaybiyo.

Waxa marag madoon ah in shirar beelaysan lagu qabto goobo kala duwan o dalka ah kuwasi oo looga go’ leeyahay inaysan somalidu marnaba midoobin sidaasina lagu gaadho tirakoobka dalka taasi oo larabo in tirada shacabka deganka somalida hoos loo dhigo sidaasna aan ku wayno xuquuqihii aan ka heli lahayn federaalka itoobiya sida tirada xildhibaanada baarlamaanka, saamiga golaha wasiirada, miisaaniyada, mashaariicaha waawayn iwm kuwaasi oo dhamaantood ku xidhan tirada shacabka deegaanada.

Hadaba shacabka DDS waxan odhan lahaa:

1. Majirto xukuumad aan isku halayn karno oon kaga baxno shirqoolka qarsoon ee LA ino dhigayo marka shacabku hatashado hana muujiyaan dareen wadaniyadeed oo aynu difaacano xuquuqdeena dastuuriga ah tirakoobkana aan u diyaar garawno.

2. Dhammaan shacabka udhashay DDS ee qurbaha iyo wadamada deriska ahi waa inay deegaanka imaadaan hal todobaad ka hor tirakoobka kana qayb qaataan tirakoobkar

3 . In waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinta iyo salaadiintu ay shacabka ku wacyigaliyaan arimaha tirakoobka

4. In shacabka rer guraga ah loo sheego mudada ay socoto hawsha tirakoobka iny ku sugnadan goobo cayyiman.

By: Faysal Omar


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...