Madaxda ONLF iyo Odayaasha magalada Fiiq oo Kulan xasaasiya Yeeshay + sawiro.

Masuuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, ayaa Kulan xasaasiya Layeeshay Odayaasha dhaqanka ee magalada Fiiq iyo Nawaaxigeeda.

Kulankan oo ahaa mid is waraysi iyo is booqasho ah ayaa kadhacay Hotel Barwaaqo oo ah meesha ay dagan yihihiin madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, waxaana shirka gudoominayay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Madaxda JWXO ayaa si heer sare ah usoo bandhigay qorshaha JWXO ee xiligan iyo waliba sooyaalkii taareekheed ee halganka shacabka Soomaalida Ogadenia uu soomaray.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Fiiq ayaa dhankooda Madaxda JWXO umuujiyay in ay yihiin rajada kaliya ee ay qabaan Kuna taami jireen in ay mar uun arkaan madaxda JWXO oo talada wadanka haysa.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay in Gobolkan Erar uu ahaa kii ugu dhibaatada badnaa dhamaan Gobolada Ogadenia, waxayna kusheegeen Gobolka dhiiga ugu badan uu kudaatay.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa ku dardaarmay midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah waxa kaliya ee guul iyo hormar lagu gaadhi karo.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...