Dawladnimadii deegaanka Somaalidu daw dheer bay kudhacday!.

Marka laga Hadlayo Qaab dhismeedka Hanaanka dawliga ah waxaa uu ka kooban Yahay Laamo Sadex ah oo kala madax-banaan oo midiba mida kale ku Tiirsan tahay, waxayna kala Yihiin Laamahaasi.

1- sharci dajin, 
2- Sharcifulin 
3- Garsoor.

Dawlada laama heeda waxaa ugu muhiimsan baarlamaanka, maxkamadaha iyo xafiiska maamulka deegaanka.

Dawladu si ay u shaqayso sadex hay adood waa inay si hufan u shaqeeyaan.

Xafiiska dakhliga deegaanka oo ah ka soo ururiya kharashka dawladu ku fuliso howl maalmeedkeeda ee mashruucyada horumarinta dawlada dhexe ku qabato.

Xafiiska nabad galiya oo ah kan ilaaliya kala danbaynta iyo nabad galiyada muwaadiniinta. Waa ka laga rabo inuu ilaaliyo hantida, nafta iyo sharafta dadka iyo deegaanka.

Xafiiska dhalashada iyo isusocodka oo ah kan hubiya in deegaanka ay kunool yihiin muwaadiniinta u dhashay iyo cidii si sharciya ku joogta lana hubiyo cida soo galaysa iyo cida ka baxaysa.

Hadaba hadaan u laabto u jeedada qoraalkayga deegaanka waxaa uu yahay mid dhamaan arintiisu ay faraha ka baxday.

Dakhligii deegaanka ee 6 bilood ee lasoo dhaafay waxaa uu hoos u dhacay 73% sababtuna waxay tahay sadex arimood. Dhamaan ilihii dakhliga oo lagaystay shaqsiyaad booba oo aan khasnada dawlada ku shubin ee jeebkooda ku shubta. Dakhli ururintii deegaanka oo aan waxba laga qaban gaar ahaan dagmooyinka iyo dadka lageeayay shaqada oo aan xirfad iyo aqoon u lahayn shaqada.

Dhinaca socdaalka deegaanku Waxaa uu noqday meel cida ka baxaysa iyo cida soo galaysa aan cidi ogayn oo xuduudihiisu anay ilaashanayn waxaan halis ugu jiraa in cadawga dadkeena ay fursad u helaan inay ina dhibaateeyaan.

Dhinaca maamulka waxaa isku dhex yaacay maamulkii oo waxaa kala lumay dhamaan hab dhismeedkii deegaanka wax iska war hayn ah iyo warbixi oo ka dhaxaysa gobolda, degmooyinka iyo deegaanku ma jirto.

Waxaa lagu mashquulay boob hantida iyo musuq baahsan oo aan la kala qarsanayn. Waxaa soo caan baxay eexda, qabyaalada iyo xaafad urursigii deegaanka la dagay oo ka socda Xafiiska madaxwaynaha ilaa qabalee.

Hadaba hada ayaan dhawnahay hadaynaan wax kaqaban oo u istaagin inaan diidno waxaa laga dooni doonaa meel dheer.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...