Faransiiska oo Itobiya u dhisaya ciidanka Badda.

Dawladaha Itobiya iyo Faransiiska ayaa Qalinka ku duugay Heshiiska dhismaha ciidamada Badda Itobiya oo dawlada Faransiisku Tababarka iyo Qalabayntooda ay Tunka u Ridatay.

Madaxwayne Emanuel Macrone-ka Faransiiska iyo Ra’iisal wasare Abiy ayaa Galabnimadii Talaadada isla sheegay in Heshiiska iskaashi ee Labada dal dhex-maraya uu Qayb kayahay dhismaha ciidamada Badda Itobiya oo dawlada France maalgalinayso.

Wajiga Hore ee dhismaha ciidamada Badda Itobiya ayaa lagu bilaabayaa 3000 oo Askari waxaa se mustaqbalka Lagaadhsiinayaa 30,Kun oo Askari sida uu Horay u sheegay Taliye kuxigeenka ciidamada milateriga Itobiya.

Heshiiska dhismaha ciidamada Badda Itobiya ee Faransisku Tababarkooda iyo Qalabayntooda ba Tunka u ritay, ayaa durba Walaac Hor leh ku abuurtay bulshada Somaaliyeed oo is waydiinaya Halka ciidamadaasi salka dhigi doonaan iyo Badda ay kahawl-gali doonaan maadaama Itobiya aysan Badd lahayn.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...