Itobiy dawladi kama Jirto Getachew Asefa-na Abiy uma dhiibayno

Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Kooxda TPLF Debretsion Gebremichael ayaa waraysi waraysi uu siiyay warbaahinta maxaliga ah ku bah-dilay Abiy Ahmed iyo mamulka Axmrada oo uu Fulayo kusheegay.

Dr. Debretsion oo waraysi siiyay wargayska Addis zemen ayaa sheegay in dhibaatada dalka kajirta aytahay mid kutimd hogaan la,aan iyo masuuliyad daro wuxuuna kutilmaamay xukuumada PM Abiy Ahmed mid fadhiida oo aan waxba lasoconin.

Dr. Debretsion Ayaa marwax laga waydiiyay sababta ay usoo dhiibi waayeen Getachew Assefa (Madixii NISS) ayuu kujawaabay General Kinfe Danyow anaga ayaa soo dhiibnay waayo waxaan moodaynay in sidii EPRDF kuheshiisay kuwa danbiyada lagu tuhmay laqabanayo balse nasiibdaro waxaan aragnay arintii oo wajikale looyeelay.

Waxaana eedaysanihii aan dhiibnay lahorgeeyay saxaafada sidii isagoo ay saxaafadu xukumayso, sharcigu sidaa maaha waxaa intaa dheer in xukuumada PM Abiy Ahmed ay filimaan been abuura kasamaysay dad lagu sheegay inay horay u xidhnaanjireen oo leh, waxaa nadhibaateeyay Tigree.

Arimahaasi waxay cadaynayaan inaan cadaalad loojeedin balse qoomiyad gaar weerar laguyahay waxaana ognahay in dadka filimada laga sameeyay ay beenaalayaal yihiin waxaana cadayn u,ah in ninka lugaha go,an ee sheegay in xabsiga uu kuluga beelay uu xabsiga galay isagoo curyaan ah waxaana cadeeyay Dr. Marar gudina.

Dhankakale Dr. Debretsion ayaa sheegay in Getachew uusan wax xil ah kahaynin deegaanka Tigray islamarkaana aynan ogayn meeluu joogo balse ay sharciga horkeeni lahaayeen hadii aan siyaasad loo adeegsan sharciga, wuxuuna intaa raaciyay in Getachew uusan 27 ahayn qofka kaliya ee xil hayay islamarkaana aysan jirin sabab uu uqaado masuuliyada danbiyada shaqsiyaadkii galay ay wali joogaan.

Dr. Debretsion ayaa hadalkiisa kudaray inayna qofna usoo dhiibaynin kaliya maadaama uu Tigree yahay, wuxuuna yidhi EPRDF ayaa wadanka katalinaysay waxayna kakoobantahay 4 urur kuna heshiisay in dib uhabayn lasameeyo cidii danbi gashayna sharciga lahorkeeno balse talaabada Xukuumada PM Abiy Ahmed aytahay rabitaan shaqsi oo looga danleeyahay caanbax dhanka siyaasada ah.

Marwax laga waydiiyay xaalada dalku kujiro iyo isku dhaca qoomiyadaha wuxuu sheegay in wadanku uu hogaan la,aan yahay dhibaataduna ay midaas tahay, waxaa muhiima in aan masuuliyada inasaaran qaadano khaladkeenana saxno bulshadana aan runta usheegno ayuu yidhi dr. Debretsion.

Isagoo hadalkiisa siiwata ayuu sheegay in TPLF ay shacabka tigray raaligalin kadalbatay khaladkeediina saxday taasina sababtay in xasilooni kajirto tigray balse wuxuu farta kufiiqay in 3da urur ee kale ay kujiraan jaahwareer iyo caad isku qarin aan soconaynin iyagoo kuhawlan inay waxwalba oo ay iyagu gaysteen cidkale ku Eedeeyaan wuxuuna yidhi taasi maaha mid soconaysa xaqiiqada aan usoo noqono.

Markale isagoo kajawaabaya suaal kusaabsan colaada axmaarada iyo tigreega ayuu sheegay in aysan jirin sabab uu dagaal udhexmaro labada deegaan wuxuuna sheegay inay jiraan kuwo dagaalka iyo colaada u,arka in riwaayad lajilayo oo kale anagu geesinimo iyo dagaal waan naqaanaa lkn in saxaafad laga hanjabo micno badan masamaynayso mana ahan mid wax kabadalaysa hadafkayaga ayuu yidhi Dr. Debretsion.

SDM Addis Ababa Ethiopia


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...