Mamulka Kililka oo magaalada Fiiq Internetkii uga Jaray Wafdiga ONLF dartii.

Mamulka Kililka ayaa kudhaqaaqay Talaabo Fool xun oo ay ku curyaaminayaan dhaq-dhaqaaqa iyo baahinta wararka Wafdiga Jabhada ONLF ee uu Hogaaminayo Gudomiye Maxamed Cumar Cismaan.

Laga bilaabo Barqanimadii shalay oo kubeegan xiligii uu Furmay shirwaynihii madaxda JWXO iyo shacabka ilaa subaxan saaka ah, magalada Fiiq majiro internet oo daqiiqad daqiiqad ayaa Hawada looga saarayaa Hadii uu soo noqdana malaha wax xawaare ah oo waa daciif.

Wariyayaasha ILAYS TV ee Lasocda oo cabasho ugu Tagay Hawl wadeenada kushaqale ayaa si cad ugu sheegay inaysan Jirin cilad, balse lagu soo Amray in Lajaro ama ugu Yaraan Laxakameeyo Adeega Internetka inta uu Wafdiga JWXO kusugan yahay magalada Fiiq.

Mamulka madaxwayne Mustaf oo ku shaqeeya Hanaan Munaafaqadaysan oo Gacmo aan muuqan adeegsada ayaa Horay madaxda JWXO uga curyaamiyay safarkooda, waxaana madaxwayne Mustaf oo markii Hore balanqaaday inuu wafdiga siinayo 20- Gaadhi uu markii dambe kabaxay balantii taasi oo keentay inay ugu dambayn madaxda ONLF is dabaraan.

Isku soo duube waxaa soo Ifbaxaya Wajiga cusub ee xukuumada madaxwayne Mustaf ay Yeelanayso hadii Ficilada kasocota magalada Fiiq aan si deg dega wax looga Qabanin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...