Mustafow calaamadihii Cabdi dilay way kaa muuqdaan!.

Intii badan calaamadaha cudurkii Cabdi Maxamud dilay ee uu la il daraa maalmihiisii ugu danbeeyay Mustafow maamulkaaga ayay ka muuqdaan waana marag ma doon, calaamadahaas dilaaga ah oo cid kaste Aragto waxay kala Yihiin.

1- Hantida umada oo loo boobo sidii aan bari shaqada lagu soo noqonay.

2- Shirar aan wax u jeedo ah lahayn oo kolba meel loo guuro.

3- Socdaal gobolada lagu wareego oo aan wax qorshe ah ku fadhiyin oo macnihiisu yahay idina waan idin soo gaadhay.

4- Odayaal la ururiyo oo layiraahdo idifaaca iyadoo laga leexday nidaamkii dawliga ahaa ee saxda ahaa loona guuray nidaam la’aan.

5- Reekiina oo lagu soo ururiyo xafiiska madaxtooyada si ay u ilaaliyaan xogtaada foosha xuna aan cidi u ogaanin.

6-Dawlad is daba yaacay oo aan xafiisyada umada loogu shaqaynayey aan galin.

7- Face book farabadan oo dadka laga soo caayo oo aan wajigood a muujin.

8- Sawiro la xarxardho oo meelaha la soo galiyo.

9- Aniga uunbaa qudbadayne I maqla.

10- Qabyaalad iyo reereha oo layska hor keento.

11- Lacag badan oo la qaybiyo oo dadka lagu kala Gurgure.

12- Jaajuusiin dadka lagu sii dhexdaayay oo layiraahdo waxay dadku leeyihiin soo dhamaystay.

13- xilal si dagdeg ah loo magacaabo oo aan qofka la badalay la qiimayn.

14- Shirar layidhaa qurbaha ku qabta oo igu taageera.

15-Qandaraasyada deegaanka oo reer kiina lagu taxo si aad hantida ugu qarsato.

16- Shirkado aad adigu leedahay oo magacyo dadkale lagu dirto.

17- lacagaha oo dollar lagu badasho oo wadanka laga saaro dibadana guryo lagaga gato.

18- Hadalo aan loo meel dayin oo gabi dhacayo aflagaadana ku ah umada soomaaliyeed.

19- Hanjabaado aan tabarteeda la lahayn oo umada loogu caga jugleeyo.

19- I amaana aan wax loo cuskadaa jirin iyo i garab yaaca.

20- Shaki iyo reer hebel taan ku sameeyo ha la soo dhawro iyo hadaf la’aan.

21- Xidhay aan sharci ahayn oo dadka maxkamad la,aan layska haysto hadhawna layska sii daayo.

Hadaba inta ka maqan calaamadihii cabdi dilay waxaa u diiday xiliga une isagu wuu samayn lahaa.

Hadaba mar hadii xaalada deegaanku 6 bilood heerkan ku gaadhay sanad maalintaan joogno maxaad filaysaan.

Shalay isagoo 4-asbuuc jooga markaan lahaa kanaa cabdi ka xumaan doona waad igu yaacayseene maanta maxaad aragteen. Wali warka kan Mustafe ah ma dhawa ee hasugi waayina.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...