Muxuu kadhignaa shirkii 5-ta saacadood Godey kasocday?.

Waxaa dhaliilo is daba Jooga oo aad u culus loo Jeedinayaa shirkii lagu sheegay wadatashiga xukuumada, xisbiga iyo waxgaradka deegaanka, kaasi oo 5-saacadood oo Galinkii Hore ee maalintii Isniinta ah kasocday magalada Godey waxaana u Jeedada shirkaas Qormo Gaabo ku bayaaniyay Aqoonyahan Faisal Rooble oo kamida Aqoonyahanka deegaanka Somaalida.

Shirkan Godey lagu qabtay kama dhigna mid qabiil gaar lagu horu marinayo ama loogu danaynayo. Kamana dhigna mid Dib u- heshiisiin dhab ah lagu raadinayo. Waa shir lagu sifayn karo wax Soomaalidu u taqaan “igu sawir.”

Waxaaan la qaabaa fakirka PM Abiy ee ahaa dib u heshiin waa marka aad nabad ka raadiso ama aad la heeshiisid cidii aad is diidanaydeen, oo isa saamaxdaan. Waa hadalkii uu PM Abiy u sheegay madaxda xiligii uu kuwa agaarka ah la kumay bishii hore dhamaad-keedii.

Waxa Godey lagu hayaa ma aha in la rabo in dib la isugu keeno Soomaalida sii kale fogaanaysa. Waa shir iska maalaayacni ah. Lacagta meeshaas iyo kuwo kale ba lagu kharash-gareeyey waxa fiicnay in dadkan taabaalaysan ee deeganka wax loogu qabta.

Waa in Moyaale nabad buuxda heshaa; waa in xukuumado xinka joojisaa oo Tuliguuleed miisaaniyada ay kaga fadhiisatay u sii daysaa; waa in ay rer-Sitti habeenkii nabad ku seexan karaan.

Waa in kharashkan la qasaarinayo Qolaji wax loogu qabtaa. Waa in Jarar, Qoraxay, Dhanaan, iyo meelaha kale ee haraadku dilay biyihii ay quudarayn jjireen loo soo celiyaa; waa in deegaanda Somaalida Jigjiga, Doolow iyo ilaa dagmada ugu yar lagu soo talaalaa eex la’aan iyo xaq soor maamul. Waa in aan rer-Awbare dhagaha laga xidhan oo la dhagaystaa.

Masuuliyad ayaa Dawlad Deegaanka ka saa ran in abaabul xoogan la galo si aan Soomaalida deegaanka lagu minja xaabin Tirokoobkan siyaasadaysan. Iniga oo xiganayay Marxuun Abdi Xoosh oo saaxiobkay ahaa, “ma hadel leen wadaynaa!” Waa in umadan wax loo qabto.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...