Ciidanka Canfarta oo Dalahelay ka Afduubtay shaqaalaha Hay’ada Save The Children+ magacda.

Ciidanka Liyuu Police-ka mamulka Canfarta ayaa deegaanka Dalahelay ee Galbeedka Gobolka Sitti ka Af-duubtay Hawl-wadeeno katirsan Hay’ada Save The Children oo deeq Gurmada u waday dadka ku barakacay weerarada ay isla ciidankaasi kuhayaan dadka shacabka ah.

Barakacayaasha deegaanka Dalahelay oo Baad, Biyo iyo Hooy la’aan isugu darmatay ayaa waxoogaa Kaalma aan badnayn ah Kahelayay Hay’ada Save The Children, balse haatan u muuqda inay meel cidla ah kusoo dhaceen maadaama shaqaalaha iyo masuuliyiintii Hay’adu ay u Af-duubanyihiin mamulka Canfarta.

Teamka Save the Thildren ayaa malintii Arbacada ee 6-dii bishan kabaxay magalada Diridhaba una dhaqaaqay deegaanka Dalahelay, Halkaasi oo uu Qorshuhu ahaa inay kusoo Qaybiyaan waxoogaa Lacag cadaana ( Unconditional Cash Transfer) iyo Agabyo kale oo Barkacayaasha loo Qaybinayay, balse ciidanka maamulka Canfarta ayaa si sharcidara ah u Qabtay 8-dii bisha iyaga oo ku Guda Jira Hawshooda.

Hawl-wadeenada ayaa markii Hore loo Qaaday magalada Awash waxaa se subaxnimadii shalay loo Qaaday magalada Samara ee xarunta mamulka Canfarta, halkaasi oo maanta maxkamadi uga bilaabanayso sida xogtu  sheegayso iyaga oo dambi looga dhigayo inay kusoo xad Gudbeen dhulka Canfarta.

Deegaanka Dalahelay oo katirsan degmada Afdam oo ay xasuuq barakicin iyo dhibaato badan oo kale Kagaysteen ciidanka mamulka Canfartu, ayayna Habayaraatee mamulka DDS marnaba iskudayin difaacooda taasi oo mamulka Canfarta kudhiirigalisay inay Gudaha Gobolka Sitti waxay doonaan kasameeyaan.

Hadaba muwaadiniinta u Afduuban mamulka Canfarta ee lagu wado in maanta maxkamadi ugu bilaabato magalada Samara oo aan magacdooda Helay ayaa kala ah.

1_Abdirahman Shekh Mohamed

2_Mohamed Muhumed Nur

3_Sulayman Ali iyo

4_Mahdi Cawale Adan oo darawalka kooxda ahaa.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...