Gaashaamo xiisad kadhalatay Tacadigii Liyuugu kagaystay Tuulada Xaaji Saalax.

Magaalada Gaashaamo ee Gobolka Jarareed waxaa kataagan xiisad kadhalatay Jidh dil ciidanka Liyuugu u Gaysteen masuuliyiinta ugu saraysa mamulka degmada Gaashaamo.

Kuxigeenka Gudomiyaha degmada Gaashaamo mudane Abdullahi Raygal iyo madaxa xafiiska Kahortaga Masiiboyinka Muse Xaamud, ayay ciidanka Liyuugu kujidh dileen Tuulada Xaaji Saalax waxaana Jidh dilka masuuliyiintu kadhashay xil kaqaadis lagu sameeyay Haweeney xidhiidh kala dhexeeyay sargaal katirsan Liyuuga oo mamulka Tuulada katirsanayd.

Jidh dilkaasi waxashnimada ah iyo Faragalinta ciidanka Liyuugu kusameeyeen arimaha mamulka degmada Gaashaamo, ayaa Kaliftay inay Gadoodaan shacabka magaladu waxaana subaxa saaka ah ilaa iyo shalay magalada Kataagan mudaharaad lagaga soo Horjeedo Talaabada ciidanka Liyuugu Qaadeen.

Ciidamada Liyuu Police-ka ayaa wali sii wada dhibaataynta dadka shacabka ah ee aan Hubaysnayn oo ay si badheedh ah Rasaasta ula dhacayaan, waxaana Ficilka Foosha xun ee kadhacay Xaaji Saalax uu daba socdaa Toogashadii badheedhka ahayd ee degmada Dhagax-madow ay dhalinyarta ku Toogteen maalin kahor dhacdada Xaaji Saalax.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...