Hay’ada Gargaarka Maraykanka ee USAID oo Joojisay mashaariic ay DDS Canfar & Oromo kawaday.

Waxaa maalinimadii shalay ahayd si rasmi ah loo soo afjaray mashruuc Gar-gaar oo ay in muda ah waday Hay’ada USAID ee Maraykanka u Qaabilsan Kaalmada, waxaana mashruucan uu 7sano ka socday dhulka Soomaalida, Canfarta iyo Qaybo kamida dhulka Oromada.

Mashruuca, oo loogu talagaly in lagu caawiyo bulshada xoolo-dhaqatada ah, ayaa ku kacay aduun dhan $70 milyan.
Waxaa la sheegay inay mashruuca ka faa’ideysteen 325,000 oo qoys. Mashruuca ayaa bixiyay adeegyo ay kamid yihiin caafimaadka iyo xanaanada xoolaha, daryeelka degaanka, nafaqaynta iyo shaqo abuur. 

Agaasimaha USAID ee Ethiopia, Leslie Reed, ayaa tilmaantay in dhulka ay ku nool yihiin xoolo-dhaqatadu aad isu badalay islamarkaana abaaro daran oo joogto ah ku habsadeen. 

Dadka ku nool DDS ayey badankoodu ku tiirsan yihiin xoolaha nool kuwaas oo wax-soosaarkooda ay abaaraha iyo daryeel la’aantu hoos u dhigtay. Abaaraha ka sakow, waxaa xoolo-dhaqatada raad ku yeeshay colaadii inta badan ka jirtay gobolka ee u dhaxaysay jabhadaha iyo ciidamada dawlada taas xanibtay dhaqdhaqaaqa xoolaha iyo dadkaba. 

Aad looma hubo saamaynta uu mashruucani ku yeeshay xoolo-dhaqatada DDS maadama xiliga la bilaabay ay degaanka ka jirtay siyasad ku dhisnayd cadaadis marmarsiyo looga dhigtay ilaalinta amaanka. 

Waxaa xusid mudan, in hay’ada USAID ay gacan ka geystay warshada hilab ku oo taal gobolka Faafan oo ganacsato kala duwan shirkad ku yihiin. 

Meelo badan oo gobolka ah ayaa laga dareemaya biyo yari iyo kulayl. Roobka gu’ga ayaa inta badan gobolka ka curta dabayaaqada bishan March ama bilowga April. 

Agaasimaha guud ee waaxda horumarinta xoolo-dhaqatada Ethiopia ayaa xafladii xidhitanka mashruuca ka sheegay in dawladu ahmiyad gaar siinayso dadka xoolo-dhaqatada ah; isaga oo dhanka kale ka xusay faa’iidadii mashruucu u lahaa xoolo-dhaqatada intii u socday.

Abdul Hirad


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...