Malaga Yaabaa inay Ginbot 7- Duurka kunoqoto? Andergachew oo Afka Furtay.

Waxaa markii ugu Horaysay afka furtay xog-hayaha Guud ee Ururka xag-jirka ah ee  G-7 Andergachew Tsage, kaasi oo si cad ugu dhawaaqay inaysan Itobiya wax dawlad ahi kajirin Haba-yaraatee.

Andergachew oo mudo 4 sano ah kujiray xabsiga dhexe ee magaalada Addis Ababa kadib markii laga soo qabtay dalka Yemen isagoo usocda Eritrea ayaa xabsiga kasoo baxay maalmo yar kadib markii xilka uu lawareegay PM Abiy Ahmed.

Andergachew ayaa waraysi uu VOA siiyay kusgeegay in guudahaanba wadanku uu kujoro xaalada cakiran taasoo keeni karta in dhiigbadan daato, wuxuuna sheegay in rajadii iyo rabitaankii shacabku god kudhacay islamarkaana ay kooxda maanta hormuudka u,ah EPRDF yihiin kuwo aad uga liita kuwii kahoreeyay ee TPLF wuxuuna arintaasi kusababeeyay in kuwan aynan waxba gacabta ugu jirin oo deegaan waliba uu maanta leeyahay kumanaan ciidan ah,saxaafad gaara iyohaayada sirdoon oo dhamaan kusalaysan isir ama qoomiyad.

Andergachew ayaa sheegay in hadalka dhawaan kasoo yeedhay PM Abiy Ahmed iyo xusbigiisa OPDO ee ah inayna gorgortan kagalaynin nidaamka federaalka ah uu yahay hadal mugdi galiyay rajadii ahayd in la,abuuro wadan kamadax banaan siyaasada qoyska.

Dhankakale Andergachew wuxuu sheegay inayna suuragal ahayn in xisbiyada aaminsan wadaniyada guud ,,nationalism,, ay kahawl galaan deegaanada dalka iyo xitaa caasimada dalka wuxuuna sabab uga dhigay in deegaan walba ay qoomiyad gaarihi haysato cidii waxkabadalan rabitaankooda layimaadana aysan jirin cid kadifaacaysaa.

Andergachew oo aad ucadhaysan ayaa sheegay in maanta itoobiya aytahay wadanka kaliya ee deeganadiisu kaciidan,sirdoon iyo saxaafad badanyihiin dawlada dhexe kuwaasoo dhamaan kusalaysan isir, wuxuuna tusaale usoo qaatay in deegaanka tigrat uu maanta haysto ciidan kor udhaafaya 2 million,,waa siduu yidhiye,,.

Andergachew ayaa ugu danbayn sheegay in iskadaa isbadal itoobiya kadhecee uu maanta wadanku gacanta ugulay kuwo kaliita kuwii iyaga kahoreeyay oo xitaa isku haynkariwaayay nidaamkii ay hogaanka ka,ahaayeen. Wuxuuna yidhi waxaan rabaa inaan cadeeyo in guudahaanba albaabkii balaadhinta fagaaraha siyaasadu uu xidhmay una xudhmay sikadaran sidii sanado kahor uu ahaa, arintan ayuu sabab uga dhigay in PM Abiy Ahmed iyo kooxdiisu ay aamineen inayna wadanka maamuli karin hadayna raacin nidaamka EPRDF balse nasiib daro aynan lahayn awood ay xitaa kuhagaan nidaamkii ay ka farcameen.

 

Bye: Abdirahman Mohamed SDM


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...