Sagag oo Geedaha u Fuushay Khudbada Gudomiyaha JWXO” sawiro dareen leh.

Wafdiga sare ee Jabhada ONLF iyo shacabka magalada Sagag ayaa waxaa u socda Kulan dadwayne oo aan loo kala Hadhin, Kulankani dadwayne oo aan waligii Noociisu Horay uga dhicin degmada Sagag ayay shacabka iyo Jabhadu kaga arinsanayaan Aayaha dhulkeena.

Madasha waxaa kahadlay Qaybaha kala duwan ee shacabka sida Culima’udiinka, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, dhalinyarada iyo Hooyooyinka magalada, waxayna dhamaantood si iskumid ah u muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Jabhada ONLF oo ay kuwada sifeeyeen inay tahay Rajada kaliya ee shacabka Somaaliyeed.

Sidoo kale madasha waxaa kahadlay madaxda sare ee JWXO kuwaasi oo mahad celin kadib dhankooda soo bandhigay Qorshaha ay doonayaan in lagu Hago dadka iyo dalka Ogadenia, waxayna masuuliyiinta JWXO Hoosta kaxariiqeen inaysan marna-ba katanaasulin kana Tanaasuli doonin Xaqa Aayo katashiga shacabiga Ogadenia.

Gudoomiyaha JWXO oo khudbad Taariikhi ah u jeediyay shacabka ree Sagag wuxuu sheegay inay Guul weyn tahay maanta in shacabka Ogadeenya uu si wada Jir ah u raadinayo xaqa kamaqan, taasi oo aan Horay u dhici jirin waxaanu Rajo badan kamuujiyay in Himaladii shacabka Ogadenia xiligeedii Lagaadhay.

Shacabka ayaa waxaa ka muuqda farxad aad u weyn ayaga oo taagan saacado badan Qorax ah ama cad ceed ah taasi oo aad moodo Gabi ahaan ba inaysan Karayn, waana mid muujinaysa Heerka dareenka Wadaniyadeed ee shacabkeenu Gaadhsiisan tahay xiliga lagu Jiro.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...