Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.

Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha madaxwaynaha ee dhinaca Amniga, waxayna wadaan dacaayad kadhana safarka madaxda Onlf ay kumarayaan Gobolada dalka.

Majirto dhibaato dhinaca Amniga ah oo kataagan Gobolka Doollo oo ay isu raacaan Taliyihii ciidanka iyo 2- Lataliye madaxwayne, sidoo kale ma Jirto cabasho katimid shacabka oo laxidhiidha Hay’adaha Amniga oo intaasi oo masuul ah u Tagaan Gobolka una Qabtaan shirar dadwayne oo siyaasadaysan.

Magaalada Wardheer oo ay maalmihii Lasoo dhaafay kusugnaayeen ayay si cad ugu Gafeen Hogaanka sare ee Jabhada oo ay si cad ugu Gafeen, iyada oo Badal Xiis uu shirarka kaga Khudbaynayay in sixirkii ONLF uu Buray oo uusan Hada Gobolka Doollo Qabanayn.

Ololaha siyaasadeed ee Gobolka Doollo ay Latageen masuuliyiinta Hay’adaha Amniga ee uu Hogaaminayo Taliye Maxamed Xaaji, ayaa mucaaradad kala Kulmay shacabka magalada Wardheer oo ku Foodhyay kadib markii uu suuqa Galay Hadalka Badal Xiis ee ahaa in sixirkii ONLF buray.

Taliyaha ciidanka iyo Lataliyayaasha Lasocda ayaa sidoo kale Ololahooda siyaasada u Tagay Qaar kamida degmoyinka Gobolka Doollo, waxayna si aan Leex leex lahayn shacabka ugu Abaabulayaan xisbiga Faasidka ah ee Jigjiga, iyaga oo dhinaca kalana weeraraya oo Jabhada ONLF iyo Hogaaminteeda sare oo haatan safarka Hayaanka Guusha ku maraya Gobolada dalka.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ee muwaadin kaste ay tahay inuu is waydiiyo ayaa ah ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi Gaara u shaqeeyaa oo kolba midkii Kursiga Fuula u adeega? mise waa ciidan deegaan oo ka madax banaan arimaha siyaasada una dhexeeya xisbiyada siyaasadeed ee Talada deegaanka ku loolamaya?.

Sawirada shirarka ay Qabanayaan Liyuugu, Halkan Riix


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...