Itobiya oo Todobaad kadib looga baroor-diiqayo dadkii diyaarada kudhamaaday.

Shirkadda diyaarada dalka Itobiya ee Ethiopian Airlines ayaa Baco ay ka buuxaan ciid laga soo Qaaday Bartii ay kusoo dhacday, diyaaraddii Boeing 737 Max- 8, waxay u Qaybiyeen Qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

Kulan baroordiiq ah ayaana maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi.

Wasiirka Gaadiidka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaasha ku Qaadaneyso waqti dheer ogaanshaha waxa sababay burburkii diyaaradda.

Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla.

Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...