Xisbigan Faasidka ah Yaa Miskaha kaga Fadhiya?.

Xisbigan jinni ee Jigjiga xukuma Yaa baas oo Miskaha kaga fadhiya oo isbeddelkiisa diiddan waa yaabe?

Ma Oromo oo Abiy Axmed hor kacayo ayaa diiddan in xisbigan buuryo qabka ah la xalaaleeyo?

Ma Axmed Shide iyo xertii Heegadaa bakhti afuufmay oo raba in sidiisa loo daayo xisbul-faasidkan?

Ma Ina Cagjar iyo teamkiisaan ilig liiq-liiqanaya ridi karin?

Anigu yaabaye, ma yaabteen? (Haweenay hinaastaybaa laga sheegay).

Hadday Abiy Axmed, Oromo iyo EPRDF diiddan-yihiin nadiifinta xisbigan faasidka ah, dee Mustafa Omer iyo Aadan Faarax dadkay gabeen oo waxay ahayd inay sheegaan cilladda jirta ee maaha inay noqdaan gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa.

Hadday ciyaartu u dhaxayso Axmed Shide (Team Heego) iyo Mustafa Omer (Team isbeddel-doon) tanna waa geeri oo maanta Heego Cafis rabta mooyee Heego gor-gortan siyaasadeed gali kartaa inay joogto maba ahayn.

Hadday ciladdu tahay teamka Mustafa Omer oon haan liigaysa lingax ku xidhikarin, dee waaba nasiib-darro tii ugu waynayd oo markaa waxaynu nahay dad sidii ugaadhii maalintiina foofa, habeenkiina meeshii gabalku ugu dhaco waaga berigiisa ku suga (waaba hadduu dugaaggu waaberiga la sugee).

Bye: Ismaciil Cali Ismaciil


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...