Abdirahman Abdishakuur oo Fariin udiray Madaxwayne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ayaa fariintaan udiray Madaxwaynaha Dowlada federaalka dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan marna maangal ahayn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degan yihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo mudaaharaad nabad ah dhigaya

In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyada saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dawlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diidan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxay guddanayaan waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah.

Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybaystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta.

Ma haboonayn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan cadayn mowqif ay ka taagan yihiin weeraradii waxshinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deeganadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana camiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.

CC Warsame.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS